Xildhibaan Hilible Oo Uu So Faray Fariin Khaldan Muuse Biixi Cabdi (Wax Ma Yaqaan).

0
Wednesday December 23, 2020 - 09:05:52 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1253
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xildhibaan Hilible Oo Uu So Faray Fariin Khaldan Muuse Biixi Cabdi (Wax Ma Yaqaan).

    Qore: Cabdi Muxumed.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qore: Cabdi Muxumed.

Laba todobaad ka hor ayay ahayd markii ay dadka reer Somaliland ka halacsadeen muqaal uu duubay Xasan Shahar oo ahaa mid ka mida Muqaawilkii uu ka soo daad gureeyay tuuladda yar ee Alaybaday xildhibaan, Golaha Wakiiladda ka tirsanaa markii danbane uu Siilaanyo u dalacsiiyay Wasiirka Maaliyadda ee Somaliland waa Cabdicasiis Muxumed Samaale (Haakah-Suge) kaasi oo ay aad ugu talax tagtay inuu ardaagiisa kor u soo qaado bacdamaa uu yahay siyaasigooda kaliya ee ay leeyihiin ee darajadda noocaas ah gaadhay, isaga oo tartan kula jira ardaayadda kale ee ay ka wada tirsan yihiin ee daga waqooyiga iyo galbeedka Somaliland. Sidaas ayuu Xasan Shahar ku noqday xildhibaan deegaan intii aanu ka soo guurin shaqadiisii hore ee ahayd hiliblaha.

 

Ceeb ma’ aha in qofku shaqaysto haddii uu hilib iibbinayo iyo haddii uu shay kale ka ganacsanayaba shurruuduna waa inay tahay arsaaqad xalaal ah, taasi oo ah in aanad xoolo ummaddeed u soo kalihin inaad iska daaqdo xili kasta waxaase ayaan darro ah in adiga oo jeeni lagugu ogaa shalay inaad maantana tidhaa way kan oo siyaasi ayaan noqday, waana kuwaas kuwa jabiyay Somaliland sida Xasan Shahar (Hilible) iyo kuwo la mida oo loogu sheego siyaasiyiin, laga soo bilaabo 1960kii oo aanay dadka reer Somaliland marna helin siyaasiyiin dhaba oo tubta toosan cagta u saara. Eebbow adigaa ku cilmi leh arrinkaa nagu dheeraaday.

 

 

Aan u soo noqdo Xasan Shahar oo aad arkayso marka aad u fiirsato muuqaalkaa yar in uu fulinayo been iyo fariin la soo dhoobdhoobay oo u eg mid aargoosi oo uu soo faray Muuse Biixi Cabdi (Wax Ma Yiqaan). Waxaynu ognahay in maamulkiisa uu mudo dheer dhaliilo isbarkan u soo jeediyay Sheekh Aadan Maxamuud (Aadan Siiro), haddii ay noqoto gudaafadda iyo boholaha ay Hargaysa oo ah caasimaddii qaranku isku badashay iyo haddii ay tahayba dawladda dhexe ee ciyaala malcaamaha Golaheedda Wasiiradda loogu wan qalay. taasi oo aanad ku arkayn hal Wasiir ku sheeg oo leh xirfad uu ku hogaamin karo waaxda uu uga yahay masuulka qarankan ayaanka daran ee Somliland. Haddiise Sheekh Aadan Maxamuud (Aadan Siiro) uu dhaliilay dawaladda hoose ee Hargaysa iyo ta dhexeba waa gar oo waanu ku raacsanahay haddii aanay iyagu is arkayn, oo ay ku foogan yihiin wax ka tabco iyo faylal u saaran gaadhiga Mayor ku sheega dadwaynuhu ugu yeedhaan Solteko aniguna aan u bixiyay (Dibiro). Macal cune muuqan doone ayaa hore loo yidhi, Hadase waa  ay soo muuqdeen ba oo bulshaddu waa ay ka dharagsan tahay dawlad dhexe iyo tu sareba halka ay Somaliland taalo. Waxaana u qoolan Mayor ku sheeg Dibiro ama Solteco iyo golihiisa ay ka midka yihiin Xildhibaan Xasan Shahar ama Xasan (Hilible) iyo inta uu Khamiis kasta hor fadhiisto Muuse Biixi Cabdi (Wax Ma Yaqaan) ee ah golaha Wasiiradda Somaliland oo aan irbad dhuub galin, haddii ay wax qabtaana bulshadda reer Somaliland dareemi lahayd. Waxa ayse hada Somaliland ku jirtaa halkii daanyeerkii coofadhka ahaa ee yidhi: "waxa aan ahay tunkayga iyo tagoogahayga ka eega”. Xaalada Somaliland guud ahaan iyo gaar ahaan Hargaysiba waxa ay u muuqataa sida qoraxda.

 

Xasanoow haddii uu fariin qaldan kuu soo dhiibay Muuse Biixi Cabdi  iyo haddii kaleba,Xildhibaan Hiliblow waxaanu ku leenahay beentaaddii ma ay garowsan dadka reer Somaliland, waxaanad na tustay inaad tuug tihiin adiga Mayor ku sheeg Dibiro. Waa kee sharciga idiin baneeyay inaad block-yo dhul ah intaad farsamaysaan cid kale ugu deeqdaan? Waaba haddii ay runtahay in aad sheekha wax siiseen e’. Wuxuun baa muuqatay sida aad xolaha umadda iyo danta guud u farsamaysaan kadibna aad jeebkiina ugu shubataan, maalinse lagula xisaabtami doono ayaa jiri doonta, ha dhawaato ama ha dheeraato,

 

Sheekh Aadan Maxamuud (Siiro) isna si qurux badan oo raganimo, codkararnimo, diin aqoon leh ayuu u soo bandhigay dhabta sheekaddaa beenta ahayd ee aan kor ku soo xusay. Ciddii kuu soo laqintay haddii aad tahay Xasan hiliblow mid hiil u ah caasimadda qarankana ka uruuri inta caagado daadsan Hargaysa marka laga tago iliiladihii Gumaystihii Ingiriiskii u sameeyay inay biyaha qaadaan inaad iibbisaan ka dib marka ay meel ay biyuhu maraan waayaan waa kuwaa qaaday dad masaakiin ah oo aan cidina is waydiin sida ay u dhinteen iyo cidda masuullka ka ahayd dhimashadoodda, kuwaasi oo idinku maqan aakhirkana aad ku bixin doontaan qiimo sare dhibtaa aad u gaysateen ee gaadhay ilaa heer dhimasho.

 

Waxaan jecelahay inaan ku soo gabagabeeyo maqaalkan kooban inaanaan kaa siisan adiga iyo Muuse Biixi Cabdi (Wax Wa Yaqaan) beentii aad iskula soo shawrteen Eebbena idinku kashifay. Sheekh Aadan Maxamuud( Siiro) waa Sheekh danta guud iyo ta gaarba u huriya dabka oo dadka reer Somaliland gees ka gees uga marag kaceen danta uu ka leeyahay qarankiisa Somaliland. Waxaanuna Eebbe uga baryaynaa inuu cisi iyo sharaf ku nooleeyo inta wakhtigiisa ka dhiman, marka xaqu ku yimaadana Eebbe janatul Fardowsa geeyo. Xasan iyo iyo Muuse Biixi Cabdina maalin maalmaha ka mida ayay bulshadda Somaliland la xisaabtami doontaa ha noqoto aakhiro ama adduunka’e. Sidaa ku abshir xildhibaan Hiliblow, waxaanad ku qurux badnayd Jeenigaagii.

 

 

 

Qore: Cabdi Muxumed.

[email protected]


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...