Shacabka Mandera Oo Dalbaday In Ciidamada Cabdirashiid Janan Laga Saaro Deegaankooda

0
Wednesday December 23, 2020 - 07:59:16 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1063
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shacabka Mandera Oo Dalbaday In Ciidamada Cabdirashiid Janan Laga Saaro Deegaankooda

    "Dowladda ayaan warbixinteenna u gudbinnay"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Dowladda ayaan warbixinteenna u gudbinnay"

Qaar ka mid ah shacabka magaalada Mandera ee woqooyi bari Kenya ayaa maamulka dowladda dhexe ee kenya u gudbiyay cabasho ku aadan ciidamo ay sheegeen in ay saldhigyo ka sameysteen beero ay leeyihiin dad shacab ah oo ku yaal duleedka magaaladaasi Mandera.

 

Golaha muslimiinta ee Kenya ee loo soo SUPKEM laanteeda Magaalada Mandera ee Gobolka Waqooyi Bari ee Kenya ayaa sidoo kale cabasho u gudbiyay dowladda dalkaasi oo ka dhan ah wasiirka amniga Jubaland ee Cabdirashiid Janan.

 

Guddoomiyaha golaha SUPKEM ee Mandera, Cabdulmajiid Khaliif Maxamed ayaa BBC-da u sheegay in muddo 48 saacadood gudaheed ay doonayaan in Janan uu uga baxo Magaalada.

 

"Dowladda ayaan warbixinteenna u gudbinnay maamulkana wuxuu noo sheegay inuu arrinkan madaxweynaha u gudbin doono, waxaana aaminsannahay inay codsigeena tixgelin doonan, muddo 48 saacadood gudahood ah inay Janan ka saran ayaan doonaynaa ." Ayuu yiri.

 

Shacabkan oo isugu jiro cuqaal, culimo iyo haweenka magaalada ayaa saaka cabashadooda hor dhigay mas'uulka dowladda dhexe wakiilka ugu ah deegaanka Mandera, waxayna ka codsadeen in 48-saac gudadood laga saaro ciidamo uu wado wasiirka amniga Jubbaland Cabdirashiid Xasan Cabdinuur (Cabdirashiid Janan) oo ay sheegeen in uu deggan yahay magaalada duleedkeeda.


Loading...
Loading...