Xildhibaan Ka Tirsan Wakiillada Oo Xaarraan Ku Sifeeyay Lacago Laga Qaaddo Gobolka Awdal
Xildhibaan Ka Tirsan Wakiillada Oo Xaarraan Ku Sifeeyay Lacago Laga Qaaddo Gobolka Awdal

Hargeisa(HWN):-Xildhibaan Axmed Barkhad Obsiiye oo ka mida Mudanayaasha golaha Wakiillada Somaliland, ayaa sheegay in cashuur ka badan 10% magaalooyinka kale ee dalka laga qaado guryaha iyo kirrooyinka magaaladda Boorama, isaga oo taasi ku tilmaamay mid xaaraan ah.
Sidoo kale, waxa uu xusay markii ay arrintaasi si dhaw ugu kuur-galeen inay bahda Cashuuraha beriga ee magaaladda Boorama ay u sheegeen in la ridayo ama la eryayo haddii ay Beer-sentayjka dheeriga keeni waayaan.
Waxaa uu Xildhibaanku soo jeediyay lacagtaas dheerriga ah ee laga qaadayo gobolka Awdal laga daayo, islamarkaana arrinkaasi dib u eegis lagu sameeyo.

"Ta kale waxaa aan soo qaadanaya cashuuraha bariga ee gobolka Awdal, cashuuraha bariga ee gobolka Awdal waxaa laga qaada beer sentayj ka sareeya kuwa gobollada kale laga qaado, 10% ayaa laga qaada guryaha iyo kirooyinka, sannadkii hal bil ayaa laga qaada, magaalada Boorama waxaa laga qaada hal bil iyo badh" Ayuu yidhi Xildhibaan Axmed Barkhad Obsiiye
Arrintaasina markii aanu dib u raacnay ee aanu u kuur-galnay, ee aanu aragnay Cashuuraha bariga waxaa ay yidhaaheen ‘haddii aanu lacagtaasi lacag ka yar soo xareyno, waa nala eryayaa, taasina waa xaaran in lagu qasbo, lacag intaas le’eg keen, oo dadka ka soo qaad waa xaaraan weeyi, marka waxaan leeyahay gobollka Awdal ha loo kuurgalo, hana laga daayo Cashuurta dheeraadka ah, ee laga qaadaayo, waanu ka Xunahay oo sumcad dil ayaanu u arkaynaa, sababto ah marka la yidhaaho qolana bil ayaa laga qaadaya annaga bil iyo badh nalaga qaado miyaanay xaaran aheyn, inamadiina lagu khasbo oo la yidhaaho waa lagu eryayaa haddii aad lacag intaas le’eg keeni waydo,”Ayuu yidhi Xildhibaan Axmed Barkhad Obsiiye.
Loading...
Loading...