Dharaartii Madoobayd, Dhegta Dhiiga Loo Daray, Afartan Iyo Dheeraad, Dhuuxii Togdheereen, Dhayal Lagu Iloobayn .20.12.1984.
BISMILAAHI ALRAXMAAN ALRAXIIM [A.S.C.W.R.W.B.],
TU KHAAS AHNA BAHDA H/W IYO AKHRISTAYAASHEEDA.
DHEELMADEE ALLAHAYOOW,NAXARIIS DHAMAAN SII.
1-DHARAARUHU DHIBAATIYO,
DHAGARIYO MID GALAYIYO,
DHIBANAHA LA CIILAYEEN,
DHACSAN KARIN XAQIISIYO,
DHEELDHEELI BADANAA.
2-DHAQASHADA ADUUNYIYO,
DHALASHIYO KU RAYRAYN,
RUUXNA KUMA DHAMAYSTO,
DHIBTEEDII KU SOO MAQANE
DHANA KUMA NEGAATOOY.
3-DHAMACIYO KULAYLIYO,
DHAXANIYO QABAWIYO,
DHEREGA IYO GAAJIYO,
DHEESHIYO CIYAARIYO,
DHIMASHIYO BAROORTAY.
4-DHIIGIYO KA DAADSHOOW,
DHAXALIYO KA SUGAYOW,
DHUUXII TOGDHEERIYO,
DHACDADII SHALO KALE,
DHAWAAQI II BAXAAYAA.
5-AFARTAN IYO DHEERAADKA,
DHEGTA DHIIGA LOO DARAY,
DHOOHANAHA ILOOBAYEE,
DHUUNI XAMAR U DOONTOW,
DHEGXUMAAD KU NOOSHAHAY.
ISMAIL ABDILLAHI HANDULEH.AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!