Shirkii IGAD: Wixii Soomaalilaan ka filaysay iyo Waxa ka soo baxay

0
Tuesday December 22, 2020 - 10:31:24 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1584
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Shirkii IGAD: Wixii Soomaalilaan ka filaysay iyo Waxa ka soo baxay

    W/Q: Cali Cabdi Coomay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Cali Cabdi Coomay

Soomaalilaan waxa ay isha ku haysay dacwaddii ay Soomaaliya ka gudbisay Kiiniya ee sababtiisu ahayd safarkii uu madaxweyne Biixi ku tegay Kiiniya. Khilaafka Soomaaliya iyo Kiiniya wuxuu soo maray heer kala duwan. Waxa se ugu khatarsanayd markii ay 16 bishii Oktoobar ee sannadkii 2011 markii ay ciidamada Kiiniya codsi la’aan xuduuda ay ka soo gudbeen ee gudaha Soomaaliya soo galeen, iyaga ku andacoonaya inay kooxda Al-Shabaab kula dagaalamayaan gudaha Soomaaliya. Maadama oo ay khatar ku yihiin amniga Kiiniya. Wakhtigaasi waxa dalka madaxweyne ka ahaa Xasan Sheekh Maxamuud, wax xidhiidh ah umuu jarin Kiiniya, inkasta oo uu madaxweyne Xasan Sheekh ku gacansaydhay soo gelintaanka amar la’aanta ah. Farmaajo se wuxuu xidhiidhkii ugu jaray casuumadii iyo booqashadii uu madaxweyne Biixi ku tegay Kiiniya, waana nacayb uu u hayo Soomaalilaan, sidii uu adeerkii Siyaad Barre u necbaa SNM.



= Heshiis Dhexmar Farmaajo iyo Uhuuru

Waxa la filayey in shirka lagu heshiisiiyo labada madaxweyne ee Soomaaliya iyo Kiiniya, oo weliba uu tanaasulo Farmaajo isaga oo ku beddelanaya in Kiiniya ay joojiso xidhiidhka cusub ee ay la yeelatay Soomaalilaan sannadkan 2020. Tanaasulkaasi wuxuu shabbahayey kii uu Maxamed Siyaad Barre sameeyey horraantii sannadkii 1988 markii ay isugu yimaadeen Jabuuti Minguistu Xayla Maryam ee heshiisku dhexmaray. siyaad Barre qorshihiisu wuxuu ahaa, kow sidii SNM uu uga takhalusi lahaa, taa beddelkeeda uu uga tanaasuli lahaa sheegashada dhulka Soomaali Galbeed (Soomaalida Itoobiyada maanta).


Waxaanu Siyaad Barre gef ku tilmaamay dagaalkii 1977 uu ku qaaday Itoobiya ee khasaaraha badani ka dhashay. Markaa dantiisu ugu weyni waxa ay ahayd in Minguistu hubka ka dhigo SNM oo gudaha Soomaaliya lagu soo shubo, lagana joojiyo dhammaan wixii taageero ah. Minguistu laftiisu waxba muu dhaamin Siyaad Barre oo isna wuxuu cagaha kula jiray dagaalkii ay jabhdaha Tigreega iyo Eeratariya kula jireen maamulkiisa.


= Midnimada Soomaaliya

Waxa aad looga casbi qabay in war-murtiyaadka lagu soo daro kelmada lagu xaqiro jirtaanka Soomaalilaan oo dal ah, weedhaasi oo ah ‘Midnimada Soomaaliya waa muqadas’. Taasina may dhicin oo waxa lagu beddelay kelmada kale oo ka asturan oo ah ‘ Wadahadal’.

 

Cali Cabdi Coomay

Suxufi, qoraa ah.

Hargaysa, Soomaalilaan

[email protected]

 

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...