Dawladaha Ay IGAD Ku Bogaadisay Wadahadalada Jamhuriyada Somaliland Iyo Jamhuriyada Federalka Somalia …
Ma Yihiin Qaar Ka Midho Dhalin Kara Qadiyadan ?
Wadahadalada jamhuuriyada Somaliland iyo jamhuuriyada federalka
Somalia ayaa waxa ay ku jireen hakad mudo dheer , codsiyo iyo cadaadis
bulshada caalamka ka yimid ayaa ay Somaliland dib ugu ogolaatay
wadahadalada , sababta oo ah waxa ay u arkaysay in wadahadaladii hore
waxii ka soo baxay aanu noqon wax cadaalad ah isla markaana dawladihii
dhex-dhexaadinayey aanay ka aheyn dhex qadiyada Somaliland iyo somalia .
Somaliland waxa ay ku xidhay shuruudo wadahadalada sanadkii hore
Sept 2019 oo ay shir golaha wasiirada Somaliland kaga soo saareen shan
qodob oo hadii la fuliyo ay Somaliland diyaar u tahay wadahadalada
Somalia iyo Somaliland.
1. In Somaliland ay diyaar u tahay in ay sii socdaan wadahadalada u
dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya kana qabsoomaan goob dhexdhexaad ah
yeeshaanna Ajendayaal cad-cad oo taabanaya arrimaha masiiriga ah, beesha
caalamkuna dhexdhexaadiyaal (mediators) ka yihiin, sidoo kalena la helo
damanaad-qaad (grantors) rasmi ah si aan dhinacna uga bixin wixii lagu
heshiiyo.
2. In Soomaaliya ay qirto in Somaliland iyadoo dawlad madax-bannaan
ah oo xoriyadeeda qaadatay 26-kii June 1960-kii ay la midawday
Soomaaliya 1-dii Jully 1960 kii ayna kala ahaayeen laba dal oo kala gaar
ah taariikh ahaan iyo maamul ahaanba, sidaa awgeedna wadahadalada laba
dhinac ay noqdaan kuwo lagu-galo laba dawladood oo kala madax-bannaan.
3. In dhinaca Soomaaliya aanay wadahadalada u meteli karin
shaqsiyaadka iyo siyaasiyiinta u dhashay Somaliland ee xilalka ka haya
Soomaaliya ama ka soo horjeeda dawladnimada iyo jiritaanka Jamhuuriyadda
Somaliland.
4. In beesha caalamku ay Somaliland ula dhaqanto dal madax-bannaan
oo aan qayb ka ahayn Soomaaliya, sidaa awgeed, waa in Safiirada iyo
ergooyinka ka socda wadamada caalamka, madaxda ururada caalamiga ah iyo
hay'adaha ka hawlgala gudaha Jamhuuriyadda Somaliland ay dhawraan
Qarannimada Somaliland kuna shaqeeyaan xeerarka iyo qawaaniinta
Somaliland, waana in aanay ku xadgudbin xuduudaha dhuleed, cireed iyo
baddeed ee Jamhuuriyadda Somaliland.
5. Dhammaan qoraalada (documents) mashaariicaha ay hay'aduhu ka
fulinayaan Somaliland waa in ay u isticmaalaan magaca, khariirada,
astaanta iyo calanka Somaliland leedahay ee gaarka u ah, waxa reeban
inaan dalka Jamhuuriyadda Somaliland laga fulin Karin mashaariic aan
heshiiskooda lala gelin dalka Somaliland, sidoo kale cidna ma fulin
karto mashaariic aan ogolaanshahooda laga haysan hay'adda dawladdeed ay
khusayso.
Somaliland goorma ayey ka tanaasushay shuruudihii ay ku xidhay
wadahadaladii Somaliland iyo Somalia , maxaa se kalifay in laga
tanaasulo ? waa su’aal jawaab u baahan !!!
Haddaba iyada oo xaal halkaasi marayo ayaa magaalada Addis-ababa ee
dalka Ethiopia waxa ka furmay shirkii midowga Africa ee 33naad oo
soconayey jan 21 ilaa feb 10 , waxaa shirkaasi si uu xulfi siyaasadeed
iyo xod-xodasho dawladaha Africa ah u tagey wafti uu hogaaminayo
madaxweynaha jamhuuriyada Somaliland , hore waxa ugu sii sugnaa
madaxweynaha dawlada federalka Somalia ,
waa suuragal in markii ay labadooduba ka soo duulayeen Muqdisho iyo
Hargeisa ay ka warqabeen in ay loo diyaarinayo kulan , ha yeeshee
madaxda Somaliland waxa ay dadka la wadaageen in uu ahaa kulankaasi
kedis , waxaana ay shuruudihii iyo halkii ay Somaliland ka taagnayd
wadahadalada uga tanaasuleen rabitaanka Abiy Axmed Raisal wasaaraha
Ethiopia iyo Madaxweynaha Djibouti oo labaduba si u danaynayey arinkan
Somaliland iyo Somalia.
Waxa isla sanadkan dhamaanaya badhtankiisii june 14-16 keedi kulan
sadex maalmood ah markale uu ku dhex maray Djibouti jamhuuriyada
Somaliland iyo jamhuuriyada federalka Somalia , kulankaasi oo lagu
sheegay in gudiyo farsamo oo kulma mudo 15 maalmood gudahood ah la
sameynayo iyo dad ka shaqeeya qaabka wadahadaladu u soconayaan , iyada
oo laga soo saaray qodobo dhawr ah oo u badan sidii Somalia doonaysay.
Waxa shirkii 38naad ee IGAD lagu xusay qodobkiisa 16naad in urur
goboleedka Igad bogaadinayo wadahadalada Somaliland iyo Somalia ee dib u
furmay iyo madaxdii gogosha u dhigtay oo noqonaya marka aad dhuuxdo
dawlada Ethiopia iyo dawlada Djibouti madaxdooda iyada oo aan la is
weydiin wadahadaladii xagay ku dambeeyeen mudooyinkii la lahaa hala
kulmo mala kulmay , Somalia miyey wax ka badashay culeyskii iyo
cidhiidhigii diblomasiyadeed in ay Somaliland ka dayso , mase ogolaatay
in Somaliland u madax banaanaato waxii caalamka ay uga baahan tahay
sida deeqaha iyo maalgashiga ?
Jawaabtu waa maya oo dagaalka Somaliland iyo Somalia waxa uu ku
shareeran yahay cirkaasi , waxaana ay noola muuqatay marka horeba in
madaxda gobolka geeska africa wadamadiisa ee arinkan danaynayey iyo
dawlada Somalia oo xiligii ka sii dhamaanayo intuba ay doonayeen sumcad
iyo dano ay ku galaan doorashooyinka oo Ethiopia iyo Djibouti na
doorashooyin ayaa mudeysnaa sanadka soo socda xiligaasi oo uu saarnaa
culeys siyaasadeed oo gudha dalalkooda ahi.
MAXAA SOMALILAND UGA MEEL YAALA WADAHADALADA MASE JIRAA DARIIQ IYO QORSHE QARAN OO LAGU WAAJAHAYAA ?
Somaliland wadahadaladii ay Somalia la bilowday sanadkii 2012 kii
wax muuqda oo la taaban karo ugamay soo kordhin , aduunkii somaliland
iyo Somalia la rabay in uu dhex u noqdo maadaama oo ay ahaayeen dad wax
isku darsaday waxa ay garabsiiyeen Somalia oo awoodii iyo wax walba oo u
soo kordha u adeegsatay jamhuuriyada Somaliland sidii ay ugu curyaamin
lahayd isla markaana caalamka uga soo xidhi lahayd , waxaana tusaaleyaal
cad-cad ah in dalkasta oo somaliland xidhiidh la sameeya ay u goyso
xidhiidhka diblomaasiyadeed iyo in waxii sharciyad dawladnimo ay lahayd
Jamhuuriyadii Somalia ee burburtay 1991kii oo kala noqotay Jamhuriyada
Somaliland iyo Jamhuriyada Federalka Somalia dhinac qudha ahi qaatay .
Marka la eegayo nidamka dhex-dhexaadineed ee caalamka loo dhex galo
dawladaha kala go’aya qaabka caalamku u dhex galay Somaliland iyo
Somalia maaha mid dhex-dhexaadnimo iyo lexojeclo ka muuqato , marka aynu
taariikhda dib u raacnana shirarkii Somalia loo qabanayey 1991kii ilaa
2020 waxa ay caalamku doonayeen in Somalia dawlad loogu dhiso , in ay
Somaliland ka maqan tahay oo wax qabsatayna waala wada ogaa ee halkee
wax iska badeleen?
Shirka Somaliland iyo Somalia lagu dhex-dhexaadinayaa waxa uu
gacanta uga galay dawlado dano ka leh Somalia oo doonayey in ay u
dhisaan wax dawlad u eeg dabadeedna u meel mariya danahooga iyo
khayraadka Somalia oo ay danaynayeen , waxaana ay aduunka u tuseen waji
in ay Somalia dhisayaan ah , waa halka somaliland lagu go’doomiyey waxii
lawada galayna ay noqdeen qaar khiyaamo ku dhisan , waxaana aynu ka
xusi karnaa heshiiskii hawada Somalia ay kula soo wareegtay iyo sida loo
majaro habaabiyey.
Markaa Somaliland waxa ay u baahan tahay in ay wadahadalada dambe
ku waajahdo qorshe qaran oo dariiq jeexan leh oo xukuumadiba ta ka
dambaysa usii gudbiso isla markaana goleyaasha xeer dejinta dalku
ansixiyaan oo qaranka u noqda qorshe cad oo la isla og yahay , maadaama
aanay qarsoonayn in dano siyaasiya iyo waxyaabo badan oo qarsooni ay
jiraan isla markaana xaaladaha gobolka marka aad eegto aanay aheyn qaar
talo wanaagsani ka soo socoto .
Somaliland marwalba waxa ay u taagan tahay in ay garteeda iyo
qadiyadeeda sharci ee dawladnimo ku garnaqsato gole iyo madal kasta oo
caalamku dhigo oo ay u aragto in uu dhex ka yahay isla markaana ka
garniqi kara waxii Somaliland iyo Somalia isaga xidhan , aduunkana waxa
looga baahan yahay in aanay laalin xuquuqda iyo qadiyada dadka
jamhuuriyada Somaliland , sidoo kale qadiyada sharci ee qaranka
jamhuriyada somaliland u saamaxaysa dib ula soo noqoshada madax
banaanidiisii 26 JUNE 1960.
Hadii aanay Soomaaliyi gudaheega heshiin karin waxbana isku ogolaan
karayn oo ay ka wanaagsanayd in cidkale soo dhex gasho waxa soo socdaa
maaha wax wanaagsan isla markaana rajo wanaagsan laga qabi karo ,
Somalia 60 sanadood ayey fac tirsanaysaa dawladnimo 30 sanadood midnimo
aan cadaalad ku dhisnayni jiray oo la isku dhex haystay iyo 30 sanadood
oo la kala maqnaa oo laba dawladood la kala ahaa uun weeyaan , markaa
maanta waxa inoo taalla ma sidan ayuun baa la sii ahaan doonaa 30 ka
sanadood ee soo socda mise Somali dad caqli leh oo wax isku ogol ayaa ka
soo bixi doona ?
Hogaamiye Mohamed Dhimbiil
Mohamed Abdi Jama
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!
Loading...
Loading...