Laba Miskiin Dawersiga Bay Iska Waraystaan ( Abdi-Shotaly).

0
Tuesday December 22, 2020 - 09:54:37 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1002
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Laba Miskiin Dawersiga Bay Iska Waraystaan ( Abdi-Shotaly).

    * N.B Kala Qaybi Oo Xukun!

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

* N.B Kala Qaybi Oo Xukun!

Maamulka askariga ee lagu camaaji-leeyo guriggii Moorgan ee " Xaafad-tooyadda" kolba meel buu ku lugooyaa ummadda, aanay wax ka soo naasao-cadi jirine, bal aan eegno halkay ku damabyso, beenta uu u soo abaabulaa shicibka reer Somaliland iyo halka ay cago dhigato. Beriggii hore waxa uu askariga " Raggii ma adigaa ka hadhay" Uu dadka ku beer-laxawsan jirey, wakhti-yaddii doora-shadda, Xusbiga Waddani wuxu inoo waddaa " Muqdisho" ( Waa waxaad ugu yeedhaan Somaliya'e) iyo reer hebel baynu nahay, taas oo ahayd been aanay wax ka jirin haba-yaraatee, sideeda-na iskaba soo gabga-bawday, oo guntay soo taab-teen shicibku, kana soo hor iyo daba-ka-laabte, arimihii ahaa ila meerayso iyo wixii lagu akhriyi jirey in aanay ahayn run ee ay ahayd "Kala qaybi oo xukun" iska hor keen, isku dir, waayo iyaka bay faa'iido ugu jirtey, taas oo ah in ay kursiga been ku fuulaan mar kale, kolka ay is nacsiiyaan ummadda, aan wax ay isku haystaan jirin, sababta keliya ee ay u samayna-yeen sidaa-sina, waxay ahayd in ay shaki iyo uur xumo isu geliyaan, dhamaan beelaha aanay wax dhex oolin ee reer Somaliland, si ay maamulka u hantiyaan. Xaaja-daasi wax ay kolba cayn u dhigaan-ba, hadba weji u yeelaan-ba, hadeer way ka sii socon wayday, oo beelihii xaqiiq-dda bay ogaadeen iyo in ayaka uun la iska hor keenaayey, oo nin dan gaara lihi uu awr-kiisa ku kacsa-naayey.

 

Akhristaw horaa loo yidhi " Ma hungawdo Daacadiye", Kuwii danta ummadda Somaliland daacadda u ahaa, markii lagu sheegay waraabayaal, waa taas jar ka booday, wuxu yidhi illaah ha u naxariisto'e Abwaan gaariye " Dalka aan ku noolahay, Nin dilaala mooyee, ruuxii daryeel yidhi, Duli buu ka qoran yahay" Waa sidaase, isna Tima-cade wuxu yidhi  (Ihun) " Danbar-keedi maan-deeq, nimaan doonin baa dhamaye", Waa xaqiiq, kuwo aan meela u soo marin, baa hadeer afarta naas-ba gooyey", Qaasim baa isna yidhi ( Ihun) Ab-tirsiimo ruuxii yaqan, aayo-tiin ma laha, waa taas abaar iyo dhul baas, u amba-qaadeena, olol-keedu waa ii baxaa, oogta waaberiye" Waxa uu uga jeedda, waa taas hadeer meel ay qabsato la'dahay, oo wax la sheego markii la waayey, kolba la soo casuumaayo, qaar iyaku-ba aan cago ku taagnayn, waxana ay tahay, sheeko cusub oo la doonaayo in mar kale, kursiga iyo foodka ummadda lagu boobo, oo meel kale lagu canda-dawlo, si aanay indhoodu u qaban, fadhatay-siga iyo boobka indhaha la' ee hantidda ummadda lagu hayo. Qof hore looga inaab-saday, oo ah kii reer-kaba rogay, iyadoo soconaysa, afarta lugood-ba jaray, uus miirtay, ee markuu ka dhergay siddii dhurwaa, haad iyo habaqle-ba ku soo fasaxay ( waa kuwa uu ku sheego wasiirada'e, wuxu hadeer kaasi soo kordhinayaa waa maxay? Miyaanu kii uun ahayn? Ma dib baa loo abuurey? Mise maskax baa ku soo korodhay aan tiisii lagu yaqaanay ahayn? Saw gacantu- Gacan-taan ogaa, ee garana-yuun Maaha? Ma wax baa iska bedelay ( Askarta) Miyaanay tii uun ahayn?

 

Muwaadin Maah-maah Somaliyeed baa waxay tidhaahaa " Laba miskiin dewersiga, bay iska warays-taan" Waayo wax kale oo ay iska waydii-yaan ma hayaan, ee wuxuun bay is warays-taan, maalin-kan-maanta ah, maxaad soo dewersata ee ku soo galay? Hadaba Muwaadin, Markii huu-haaddii lagu maaweelin jirey muwaadi-niinta soo dhamaatay, bay imika la yimaadeen wadan heblaayo baa ina ictiraafaaya iyo wadan hebel baanu ka soo dhaadhi-cinay qadiyadda Somaliland. Waxa ka horeysa horta ma la dhegaystaa kuwan? Waxa ka sii daran oo ay maskax xumidda askartu is yidhaaheen ka faa'iidaysta colaadda dhex taala " Somaliya iyo Kiiniya" Bal maxaa uga shan iyo toban ah ee ka khuseeya? Aan idin siiyo jawaabta'e, waxa weeye jiho habaabin ay ugu tallo galeen, in mar kale lagu khaldo ummadan teeddii u dayacan, ee ay iyaku halkaas dhigeen, candhab-laha gooyeen. Dalka Gini Konaakri wixii ka qabsaday iyo wixii la been abuurey, xagee bay ka dhaceen? Ama ay ku dambeeyeen? Maxaa Kiiniya laga doonay? Maxay-se u soo casuumeen Malaawi? Iyaddii baa bisaaska iyo jiirarka cunaysee? Waxay ku taraysaa waa maxay? Isku soo duuboo, waxaas oo dhan iyo ham-iyo-dig-taasi, wax kale maaha, ee waa siddii mar kale lagaaga hoos bixi lahaa, ee kaadhka lagaaga marsan lahaa doora-shooyinka soo socota, ilayn ma fekerno, oo nin dan leh baa inagu shaqaysta'e, Inagu beel heblaayo baynu isku nahay,  hadiise ay beel heblaayo kale kursiga fuusho, waa la ina dhacayaa, oo maamulka wax ku yeelan mayno baa la inagu maalaa, ee intaynu hayno aynu ku fara adaygno, oo been ah, waa cadaalad daradda, ay ku haystaane. Hoy is ilaali maanta, baad haysata fursad, aad kaga takhlus-tid askarta'e.

 

* N.B Kala Qaybi Oo Xukun!

Qore:- Abdi-Shotaly.

[email protected]


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...