Nin naagtaada doonayaa inantaada kuma qanco!...W/Q Khadar Cabdi Cabdilaahi

0
Tuesday December 22, 2020 - 01:20:32 in Articles by
  • Visits: 1583
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Nin naagtaada doonayaa inantaada kuma qanco!...W/Q Khadar Cabdi Cabdilaahi

    Nin naagtaada doonayaa inantaada kuma qanco!...W/Q Khadar Cabdi Cabdilaahi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Nin naagtaada doonayaa inantaada kuma qanco!...W/Q Khadar Cabdi Cabdilaahi

Image may contain: 1 person, closeup


Marka aad wax ku soo qorto meelahan baraha bulshada, dadku in wax kugu darsata iyo in iska kaa dhaafta ama jecel in ay korka uun kaala socdaan bay noqdaan. Kuwa wax kugu darsanay iyaguna laba ayey sii kala noqdaan; qolo wixii aad ka hadashay wax kaa yidhaahda (diidmo, taqgeero ama wayddiimo kugu soo celiya) iyo qaar aad adigu u muuqato mar walba. Waa marka aan kaftan iyo toocsi meesha ool ee wax dhab ah si dhab ah la isu waydaarsanayo.


Haddaba berigii hore waxa igu jirtay aragti dad badani ila qabeen oo ah, qofka ku shaqsi maaga iyo ka iska kaa caaya ha u jawaabin ee indhaha ka lali. Marar kale, in aan la qasto waxa aan uga roori jiray, si mawduuca aan ka hadlayo la iiga duwin oo aanan qodobka uga baydhin. Doqoniimo iyo fariidnimo midka ay tahayba, in muddo ah baan iska dhigayey oo iska dhex baadhayey nin weyn oo ay Soomaalidu maanka iskaga wada haysato laakiin si uu u eeg yahay aan cidina sifo toos ah ka bixin. Waxa jirtay marar aan isku luri jiray in aan qofkaa wax fahamsiiyo oo aan u dejin jiray. Laakiin Soomaalidu hore ayey wax walba xigmad iyo odhaah uga tidhi.


Nin naagtaada doonayaa inantaydaan ku siiyeye guurso oo xaaska ii daa kuma qanco ayey Soomaalidu ku maahmaahdaa. Maalin maalmaha ka mid ah baa waxa aan damcay in aan tijaabiyo, sidii aan marmar dhaqan doofaar yeelan lahaa, si aan wax u tuso qaar doofaarnimadaa dhawr mar ii la yimi laakiin nin weynimadii aan isku xakamanayey luggooyo ku noqotay. Arrinta labaad ee dabeecadda doofaarnimada igu kalliftay waxa ay ahayd, in dadkan maalin walba caytamayaa ka mid yihiin ummadda Soomaaliyeed kuwooda dhibban. Dadkaasi in aan mar walba laga aamusin, oo aanay nolosha sidaa ku dhammaysan, oo ay xuquuq eynimo ah igu leeyihiin baan is tusay. Sidaa darteed, inta aan weynaantii iyo wixii aan dhawrayey dhan isaga yara duway, waa anigaa af nijaas noqday ee kaga dhigay "adaa Rabbigaa rasaas ka baryeye, ku raaxayso reenka kaaraha". Si kale oo aan ku tuso in aan waxani lacag igu joogin baan garan waayey. "Yaa ayuhal khasshiin wal-khashaanbiir..." in aan jawaabaha uga bilaabo ayaan joogteeyey, maaddaama ay ka fursan wayday.
Dhawr mar difaaca ayaa ila taraaraxay, dabadeed, gacani waa maskiine, nin i garasho maagayey ase aan xumaan u jeedin, waa anigaa kaga dhigay caasimaddii Baqdaad iyo buurihii Afgaanistaan ee Tooraboora ee Maraykanku Allow kaga siiyey dhawr iyo sano ka hor. Hadhaw buu qofkii faalladii masaxaa ama uu luuqa ii soo galaa oo hoos wax ii fahamsiiyaa. Xaalqaado walaal iyo maanta waan iska yara kacsanayaaye igu qaado laba saddex jeer baan ku badbaaday.

Marmarka qaar  shadaadiinta iyo shuyuukhda ayaa iskaga kaa ekaanaysa. Kuwo aannu kulannay oo igu yidhi maxaad ina adeer maalintii sidaa ii tidhi waan kula kaftamayee baa jiray. Sidii hablaha yaryar ee xabiibti iyo finiikh finiikhda badan baan madaxa ka dhunkaday oo aan idhi, ma hal maalin oo macaawistu iga dhacday baad igu xammili wayday ina adeer gacaliye? Waar cumaamadda igu tuur forin colaadeed baan fadhiyaa oo marmar baa baasku iska kay raacaaye.


Dad aan qalbi wanaag iyo dhibirsanaan ku ogahay oo ka naxay xasuuqayga iyo akhlaaqxumada aan la soo baxay ayaa iyaguna kolkol luuqa ii soo gala, iyaga oo la yaabban ninkii weynaa ee ay igu ogaayeen ama igu tuhmayeen goorta aan bannaanka u tuuray. "Khadarow maanta maxaa kugu dhacay?" aminta ay i wayddiiyaan, baan anna wayddiin kale ku celiyaa oo "maanta waa ayaanma?" idhaahdaa. Tusaale ahaan, waa Khamiis marka ay i yidhaahdaan, ayaan idhaahdaa; waa maalintii doofaarnimada ee ha ii qaban barri Jimcaha aniga oo caadi ah baad i arki doontaaye. Laakiin maxaan beenta u sheegayaa, doofaarnimadu ma maalin gaar ah bay leedahay? Mayee dharaar kasta, saacad kasta iyo xataa daqiiqad kasta way kugu kici kartaa. Sow dadkeedii mar kasta iyo meel kastaba ma joogaan? Haaheey!


Haddaba tijaabadii maxaa ka soo baxay? Horta dadka aad hadalka wadaagtaan maalin walba waxa ku jira mid marka horeba balaayo kaa aaminsanaa oo isagu isugu sheekeynayey ama lagu soo shubay. Mid baa jin ku yidhi ninkani/gabadhani qabiilkiinnii iyo deegaankaaga ayuu neceb yahay ee iska dhici. Adeerkaa in uu madax yahay loo maagi maayee in uu reekiinna yahay baa laga dhimanayaa dad baa gaws dambeedka ku haysta mar walba. Diinta ayuu weerar ku yahay iyo waa laga dambeeyaa inta quluubta sabab la'aan ugu haysataa timahaaga ka badan. Dabadeed adiga oo Faataxada akhriyaya waa kaa ku yidhi bisinka shedkiisa iyo medkiisa muuji oo Quraanka iska sax istubidh yahow, aabbahaa ma lahee. Oo bisinka ma kuraastii aad dawladda ku lahaydeen baad moodday mise hooyaa kugu soo tidhi bisinka meesha aad ku aragtaba inoo ilaali innagaa dhaxal u helnaye, jawaab aan ahayn uma hayo anigu markaas oo kale. Runtu ma fantaa? Mid kale oo kuu haysta kibraani in aad tahay oo lafihiisa u cuqdadaysan baa ka mid noqon kara. Waxa jira intaas oo nooc oo aanan ka wada gaadhayn xusiddooda.


Doofaarnimada waxa aan ku waayey waxa laba jeer ka badan waxa aan ku helay. Kow, dad soo degdegi jiray ayaa dib iiga fadhiistay oo aan ka nefisay kaddib markii aan la googo'ay. Laba, kuwa i khalad fahamsanaa baannu sida soodhaha isla karnay, haddana isla degnay aakhirkii oo aannu isla garannay in aannu dhan wax u wada wadno. Waxa aan odhan karaa sida jinka ayaan qasab kaga saaray khuraafaadkii galay oo aannu saaxiga isla keennay kagadaal markii aannu isla bes beelnay. Saddex, waxa aan si qanaaca leh u ogaaday, dadka qayb ka mid ahi in ay kulaylka oo qudha wax ku fahmaan si la mid inta deggenaanta wax ku garawsata.


Ugu dambayntii, mar walba awliyo ma ahaan kartid iskamana dhigi kartid. Qofka kula hadlaya iyo mawduuca aad waddo toona ha eegin mar walba. Qofka hadalkiisa eeg, waayo jawaabtu isla faalladiisa ayey ka dhex bilaabmaysaa ama ku jirtaaba. Kii deggenaan iyo sidii la yaqaanay kuula hadla ama kuu dhaliila, godob ha raadsan oo iimaanka ha iska qaadine sida ugu wacan ee aad karto ugu jawaab. Ka dardaranna waxa laga yaabaa in abuurtiisu samaanta ku bukootee, dawee oo dardarka u saar. Marka xigta, dadka wajahadahooda edeb ku tag oo si asluubaysan wax ugu darso, mid ay idinka dhaxayso is roorsigu oo aydaan ku kala tagayn mooyee. Adiga wajahaddaada kolka laguugu yimaaddo, qof waliba tigidhka uu dalbado uun qiimihiisa ugu jar.


21 Diseembar 2019 ayaan jirrabka bilaabay. Taleefanka ayaan meel kaga qortay oo maanta ayuu i xssuusiyey. Caawa bishu waa imisa?

Qalinkii:- Khadar Cabdi Cabdilaahi

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...