Orodyahanka Mo Farah Oo Guul Daro Soo Wajahday Iyo Kaalinta Uu ka Galay Tartanka London Marathon

0
Sunday April 28, 2019 - 19:54:54 in News by
  • Visits: 4672
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Orodyahanka Mo Farah Oo Guul Daro Soo Wajahday Iyo Kaalinta Uu ka Galay Tartanka London Marathon

    Orodyahanka Mo Farah Oo Guul Daro Soo Wajahday Iyo Kaalinta Uu ka Galay Tartanka London Marathon

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Orodyahanka Mo Farah Oo Guul Daro Soo Wajahday Iyo Kaalinta Uu ka Galay Tartanka London Marathon

 


Orodyahanka reer Kenya ee Elidu Kipchoge ayaa noqday orodyahanka labaad ee dunida ugu dheereeya, kaddib markii uu ku guuleystay tartanka Orodka London Marathon oo mar dhoweyd ka dhacay magaalada London.




Eliud Kipchoge ayaa markii afraad ku guuleystay London Marathon waxaana uu raacsaday waxaana uu kusoo dhamweeyey laba saacadood, laba daqiiqadood iyo 38 ilbidhiqsi, taas oo ka dhigtay ciyaartoygii labaad ee muddadii ugu yarayd ku dhameeyey tartanka.


Orodyahanka Asalkiisu Soomaaliga yahay ee Mo Farah ayaa kaalinta shanaad galay, waxaana uu ka dambeeyeyEliud Kipchoge saddex daqiiqadood iyo hal ilbidhiqsi oo kaliya, laakiin xattaa kaalmaha labaad, saddexaad iyo afraad midna ma helin.


Kaalinta labaad iyo saddexaad waxa galay orodyahannada reer Ethiopia ee Mosinet Geremew iyo Mule Wasinuum.


Dhinaca haweenka waxa kaalinta koowaad gashay gabadha u dhalatay Kenya ee Brigid Kosgei oo ay da’deedu tahay 25 jir, waxaanay noqotay orodyahannadii ugu da’dda yarayd ee ku guuleysatay London Marathon.


Mo Farah oo inkasta oo uu kaalinta shanaad galay, haddana noqday ciyaartoygii labaad ee u dhashay UK ee abid ugu dheereeyey, waxaana waraysi kooban oo uu jeediyey kaddib orodka uu ku sheegay inuu wax fiican dareemayo.


"Wanaag ayaan dareemayay bilowgii. Hadafkaygu wuxuu ahaa inaan degganaado, laakiin 20 mile kaddib ayuu naga dheereeyey, wuxuu abuuray farqi ay adag tahay in lagu dhawaado.” Ayuu yidhi Mo Farah oo ka hadlayey orodyahanka reer Kenya ee tartanka ku guuleystay.


Loading...
Loading...