Gudoomiyaha Banaadir Oo Amaro Culus Dul Dhigay Shacabka Muqdisho.

0
Sunday April 28, 2019 - 19:47:47 in News by
  • Visits: 1611
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gudoomiyaha Banaadir Oo Amaro Culus Dul Dhigay Shacabka Muqdisho.

    Gudoomiyaha Banaadir Oo Amaro Culus Dul Dhigay Shacabka Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gudoomiyaha Banaadir Oo Amaro Culus Dul Dhigay Shacabka Muqdisho.


Muqdisho(HWN):-Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cismaan(Eng Yariisow) ayaa soo saaray amaro la xidhiidha amniga iyo nadaafada Muqdisho.

Natiijada sawirka eng Yariisow


Gudoomiye Yariisow ayaa war uu soo saaray ku sheegay in shacabka muqdisho looga baahan yahay inay fuliyaan qodobada amarka ah ee uu soo saaray, isaga oo ku hanjabay in talaabo laga qaadi doono cidii fulin wayda.


Amarka ka soo baxay gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho ayaa u dhignaa sidan:-


1- In cid alaala cidii si sharci darro ah u istecmaasha Bulaacadaha Magaalada Muqdisho, aan laga aqbali doonin, isla markaana u hogaansanto xeerka ka soo baxay Xafiiska Duqa ee Mamnuucaya in danta guud loo isticmaalo mid gaar ahaaneed.


2- In Guryaha Magaalada Muqdisho ee istecmaala Dabka-Korontada ay cid weliba guriga Hortiisa ku dhajiyaan Nal, si Iftiinka Magaalada Muqdisho loogu wada qeyb-qaato, taasi oo muhiim u ah Howlgalada Amni, bacdamaa kooxaha dhibaatooyinka geysta ay ku dhuuntaan goobaha Mugdiga ah.


3. Cidii xeerarkaan fulin weyda waxaa laga qaadayaa talaabo waafaqsan sharciga taasi oo ku xusan xeerarka kasoo baxay Xafiiska Duqa Muqdisho.

Loading...
Loading...