Maayarkeeda Hargeysa, Idinkoon Beel Ku Mashquulin, Cabdikariim Axmed moogge, Maantabayu Idin Seegin.
BISMILAAHI ALRAXMAAN ALRAXIIM. [A.S.C.W.R.W.B],
TU KHAAS AHNA BAHDA H/W IYO AKHRISTAYAASHEEDA.
MAAYARKII CAASIMADIINE,MUDADA AAD TEBEYSEN,
KU WEYDEEN MIDIGTIINIYO,MASKAXDIINA QABIILKU,
MOOLALKA UU KA SAMAYSTE,MAREEXAAN XULATAN,
MUFTAAXA GOORTA LA SIIYO,MULKIYU LA WAREEGO.
MEELU JOOGO LA WAAYE,MAALINTAAS U DANBAYSO,
MUDA YARUUN DABADEED,MUUSANAWGA IYO QAYLO,
MUCURTOOMO DADKII,MOOSASKA DAADKU BANEEYEE,
MAGAC REER MEESHA KU GEYSE,MAG KUMA KU LAHAA,
MIDAAD SOO HUBISEENON,MADADAALO IYO BEEN IYO,
ISUKIIN MALDAHAYNO,MURAAYADUYAY QALBIGIISUBU,
MAWLAHIIN IDIN SIIYAYE,MAANTABAYUU IDIN SEEGINE,
MIDOOBO ISKU RAACOO,MITIDA OO YUU IDIN DHAAFIN.
ISMAIL ABDILLAHI HANDULEH.
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!