Si Maraykanku U badbaado Jamhuuriyiintu ma keeni doonaan Caqligii Habar-Yoonis?

0
Monday December 21, 2020 - 09:29:31 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1255
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Si Maraykanku U badbaado Jamhuuriyiintu ma keeni doonaan Caqligii Habar-Yoonis?

    W/Q: Khadar Jicsin Nuux

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Khadar Jicsin Nuux

Doorashadii Marykanku way dhamaatey, laakiin se waxaan dhamaan muran iyo kala qaybsanaan ay ka tagtay. bulshada Maraykanku waxa ay u kala fadhidaa sidii ay doorashada ku gashay. Joe Biden waa madaxwaynaha la doortey oo ah murashaxii xisbiga dimoqraadiga waxaana qorshaysan in la dhaariyo labaatanka bisha january. Laakiin se si ka duwan sidii caadiga ahayd madaxwaynaha xilka haya ee Trump ma aqoonsana, mana qirsana guusha Biden, waxaanu sheeganayaa in isagu guulaystey lana xadey, dalkiisuna noqdey dunida saddexaad xagga doorashada. Lakiin se ma hayo wax daliil noqon kara. tageerayaashiisa xisbiga jamhuuriga ayaa u rumaysan beenta uu daldalayo sidii ay waxyi tahay, badhkoodna waxa ay aaminsan yihiin in Trump uu yahay hadiyad xaga rabi uga timid.



 Hab-dhaqanada Trump iyo kooxdiisu waxa ay muujinayaan waaqic naxdin leh oo ka jira Maraykanka. xildhibaanada barlamanka ugu jira xisbiga jamhuuriga ayaa intooda badan taageersan ama ka aamusan inay cambaareeyanan tabaha iyo dadaalada la rabo in lagu buriyo natiijadii doorashada. sida wargayska independent sheegay 126 xildhibaan oo jamhuuriya ayaa taageeray isku daygii maxkamada sare looga doonayey in ay ku baabi’iso guusha Biden afar gobol ka helay. Trump oo guuldaraystay ayaa isku arka in uu labo wax ku guulystey Ta koowaad in madaxda carabta ee islaamka sheegta uu ku xidhay Israel si ay uga masaariif iyo mushahar qaadato ilaalinta kuraastooda. Talabaaad waxuu arkaa in beentiisa malaayiin Maraykan ahi rumaysteen tanina ay u suurto galinayso in cidkasta oo guulaysata uu ku qabsan karo waana tan ta ka saaraysa Maraykanka dariiqii dhaqamiga u ahaa. 


Sida lagu sheegay baadhitaan iyo ra’yi-ururin ay samaysay jamacada Quinnipiac university toddobaadkii hore waxa lagu ogaadey in 77% jamhuriyiinta ka mid ahi ay aaminsan yihiin in doorshada wax la is daba mariyey halka 60% aaminsan yihiin in guusha joe Biden waxba ka jirin. iyada oo ay soo xidhmeen dhammaan qaababkii sharci ee Trump iyo kooxdiisu ku rabeen in ay ku joojiyaan natiijada doorasada ayaa wax laga cabsi qabaa in ay bilaabmaan qaabab sharciga waydaarsan, waxaana muuqanaya calaamado tan muujinaya, waxa dhacaya mudahaaraadyo rashado wata, waxa la arkayaa kooxo hubaysan, waxa kale oo la maqlayaa codad kala g’o ku baaqaya sida madaxa xisbiga jamhuuriga  ee gobolka texas oo jimcihii hore markii ay maxkamda sare diiday dacwadii Trump iyo kooxdiisa ku baaqay in gobolada sharciga qadariya go’aan midow cusubna samaystaan. Arrimahan ayaa maraykanka ka dhigaya mid u socda meel aan la garanayn, in kasta oo khubarada iyo muxaliliinta ruushku bilaabeen in ay sheegaan in halka maraykanku marayaa uu yahay burburkii midawgii sofiyeedka

 

Maxaa xal ah ?


Doorashada Maraykanka iyo kala qaybsanaanta bulsho waxa ay dhan walba uga eegtahay doorashadii soomliland ka dhacday saddex sano ka hor. markii natiijada doorashada Soomaaliland lagu dhawaaqay lana sheegay cidii ku guulaysatey waxa ay u dhandhami wayday dhinicii laga guulaystey oo diidmo-adag ka horkeenay. guddoomiyihii iyo murashaxii xisbiga waddani oo ahaa ka doorshada looga guulaystay ayaa ku tilmaamay doorshada mid la musuqmaasuqay oo dad dhintayna codeeyeen. Kalmadan oo aad moodo in markii danbe Trump ka awr qaatey ama ay isku dardaarmeen. Kala-qaybsanaantii bulshada iyo natiijooyinkii ka dhashayba waxa soo afjaray wax-garadka Habar-yoonis oo beeshoodu xisbiga waddani udub-dhexaad u ahayd is kuna arkaysay in beelo ay walaalayihiin isku bahaysteen. Wax-garadka beesha oo waajahaya hawl adag ayaa si dagan oo tartiiba cagta u mariyay jihooyin kala duwan oo doonayey in Soomaaliland dhaafin halka ay socoto, waxa ayna muujiyeen in rukun adag u yihiin madaxbannaanida Soomaaliland iyo midnimada shacabka, waxa ayna fursad dhaafiyeen cadow soo kambadhuudhey.


doonista alle ka dib caqliga wax-garadka Habar-yoonis ayay Soomaaliland kaga gudubtey fitno soo madoobayd. Fitnada bulshada la dhexdhigo laguna dhiso hal-ku-dhiga sumaysan ee ah (beel ama kooxbaa wixiinii haysata) waa isla fitnadii khilaafadii-raashidiinta galaafatey, islaamkana kaga tagtay khilaafka ilaa maanta dhexyaala.  waana ta Maraykanka ka socota soomaalilanda ka gudubtay. Sideedaba fitnadu markay kacdo waxa wareejiya ama maamula laba qolo sida uu sheegay caalimkii Sh mustafa al-subaaci oo yidhi (fitnada wax-garadkaa gacanta ku dhiga ama maan- gaabka dadka dhexe ee wanaagsani meel kuma laha) sida laga fahmayo hadalka caalimka fitnadu haddii ay waydo wax-garad damiya waxa ay heshaa maan-gaab huriya. aqlabiyda bulshada oo ah dadka dhexe garasho’ahaan wanaagana jecel way ku adagtahay in ay maareeyaan waxa ayna noqdaan xaabada ku shuf-beesha. haddaba si maraykanku fitno uga badbaado jamhuuriyiintu ma keeni doonaan caqligii wax-garadka habar-yoonis?

 

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...