Kolba Beentu Meel Bay Fadhiisataa, Ee Waxay Maraysaa Malaawi Baa Na Ictiraafaysa ( Abdi-Shotaly).

0
Monday December 21, 2020 - 09:10:15 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1216
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Kolba Beentu Meel Bay Fadhiisataa, Ee Waxay Maraysaa Malaawi Baa Na Ictiraafaysa ( Abdi-Shotaly).

    * N.B Runta Cabataay, Beeni Raad Ma Leh.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

* N.B Runta Cabataay, Beeni Raad Ma Leh.

 Shimbirtii soo gasha xuduudda Somalialnd-ba way ina " Ictiraafaysa" sheeko kale miyaa la wayey (Allaa Kariim). Waxa jiri-jiray sheeko caruureed aad u qosol badnayd, oo la odhan jirey magaceedda  "Suul-Cawro" oo caruurta lagu maaweelin jirey, waxa cayn-kaas ka dhigan, oo doonaaya in uu khiyaali ugu sheekeeyo ummadda reer somaliland, been aan la liqi karin, askariga la yidhaaho " Raggii ma adigaa ka hadhay",Waa ka sheegta magac-yadda cid-ladda laga soo qaato, ee isku sheega waxa loo yaqaano  madaxa-weyne iyo wax aanu meela u soo marin, oo uu yidhi iigu yeedha " Mujaahid" Lamana hayo meel uu xabad ka riday wakhtiggii halganka, ee u dhaxeeyey 06/04/1981, oo ah ayaantii lagaga dhawaaqay Magaca SNM Magaaladda Birmingham ee Dalka UK, ilaa iyo maalintii uu Mujaahid Cabdiraxmaan Axmed Cali ( Ihun) ka xoreeyey, maamulkii Af-weyne ee 18/05/1991 ( Oo kan si kaste uga roona), Xaalkii dal-kuna uu noqday "Kud ka guur oo qanjo u guur" ka dib markii afar madax-weyne oo hore ay meel wacan, oo sumcad ka leh aduunka ay keeneen, kuwaa oo kala ahaa:-

 

(1) Mujaahid/Madax/weyne Abdirahman Ahmed Cali ( Ihun).

(2) Madax-Weyne Mohamed H. Ibrahim Egal ( Ihun).

(3) Madax-Weyne Daahir Riyaale kahin. Rabbi caafimaadka haw dheereeyee.

(4) Mujaahid/ Madax-weyne Ahmed Mohamed Siilaanyo ( Illaah Caafimaad ha siiyo'e).

 

 Rabbi Abaalkii ay noo galeen, khayr-keedda ha siiyo'e, waxa ka dambeeyey Dulin iyo caya-yaan, caydh ku kor ah, oo wax cuna iyo boob mooyee, aan wax kale-ba meesha u imanin, dhego xidhan, been iyo khiyaali uun ku nool, oo is leh malaha sidaas baad ku haysa-naysaan ilaa iyo yoomal diin. Waa kuwa ka botoriya guriggii Moorgan ee la yidhaaho " Xafad-tooyadda"

 

Nin baa laga hayaa, Maalin-ba meel bay qabsataa ee " Maanta ma aakhiro bay qabsataye" Markii beentii askarta iyo waali-dooddii, isku dirkii laga soo hor iyo dabaka wareegay, baa ilayn waa maskax-ddii kii aynu ogayn uu lahaaye iyo qaar ka sii liita, oo uu cad-quudheedka u turaa, oo siddii islaantii " Caydhays Ciise" ka daba yidhaahaa " Waa Runtaa iyo Haaheey", ay kolba derbi isku qaadayaan, ilayn beeni ma dhamaato, waxa-se aanay ogayn in ay madhan yihiin, oo cid ay wax u sheega-yaan aanay hadhin. Horaa loo yidhi " La hubsay oo gorayo haad noqotaye" Waxay leeyihiin sifihii murtiddii ahayd " Is-Moog udbihii bay aslaysaa, is mana oga"  Bal hadda ila eega intan hoos ku qoran:-

 

(a) Akhristaw "Dalka Gini Konaakari" Buu askarigu u dal-xiis tegay, wuxu  yidhi iyaba waa yaabe "Way ina Ictiraafaysaa" ilayn waa wax aan xishoonayne.

(b) Maalin-ba tay keenaan tii hore ka darane, hadana Taiwaan iyo Israaiil baa na ictiraafaaya bay is yidhaahen, oo aad wax ku khaldi karaysaan, ogaw oo Taiwan iyaddii baan cago ku taagnayne, oo qayb dal weynaha shiinaha ka mid ah, waxay ictiraafto daayo. Doqon iyo mid reer hebel lagu maalo, baa lagu maaweeliyaa sidaase, yey kuwani wax u sheegayaan ee aan aqoonin waxa ay yihiin?

(c)  Kiiniya ( Dalka Kenya), Oo uu askarigan jaho wareersani uu u tegay, in uu wiil-kiisa uga soo furo Qandaraas uu ku keeno " Qaadka Miirooga ah" Somaliland, iyo weliba in  uu labaddii diyaara-dood ee uu ka joojiyey Muwaadi-niinta reer Somaliland, markii ay diideen in qayb maal gelin ah ka siiya wiil-kiisu, ee " Al-carabiya iyo Flight Dubai" Wax kale looma tigin, ee waa dhaqaale doon qoys-kiisa ah, oo doonaayo in uu wakiil uga dhigo wiil-kiiisa Heego maamula ( Waa ka u qaabilsan dhaqaale samaynta qoyska'e).

(d) Waa duni aakhir sabaane iyo caqliggii askariga'e, maantana, Wuxu ina leeyihiin, Malaawi, baa ina Ictirafaysa, oo teeddiiba u il-daran,  aan awood u lahayn in ay cid ictiraafto.

 

Waxan ku soo dabray maqaalkan, Beentii way soo gabaga-bowday, meel ay cuskato bay la'dahay, ayaan-ba ta ka dambaysa  baa la casuumayaa qaar afrikaan ah, oo meel ay u baxaan la', si ummadan teeddii cuslaysay, xoolo lagaga cuno, oo loo yidhaaho dhaqaalaa ku baxay, meel heblaayo oo aan  Ictiraaf ka doonay, wax haba-yaraatee ka jiraana ay huf iyo haf tahay, kuwa meela-haas wax ka soo derdera, waxan leeyahay, amaanta askariga, haddii uu risiqiinii galay, oo add illaahay ka quusa-teen, iska dhaqbaq-sada xaaraanta, maalin dhaw waa la iskaga daba-imanayaa. runi-run ba noqone, Meeshan waxay u sii taagan tahay, xaga alle oo keliya,  masaakiinta waxooddii inta yari raqayso lagu eegaayo, hada-se waxay dhigatay jilbaha, oo u dhamaatay, ee qudhaan-jooy naa ku quuso.

 

* N.B  Runta Cabataay, Beeni Raad Ma Leh.

Qore:- Abdi-Shotaly.

[email protected]


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...