Reerka Aan Ku Shaqaysto Anigoo Rogaya ( Abdi-Shotaly).

0
Sunday December 20, 2020 - 16:54:59 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1041
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Reerka Aan Ku Shaqaysto Anigoo Rogaya ( Abdi-Shotaly).

    Qore:- Abdi-Shotaly.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qore:- Abdi-Shotaly.

Illaah haw naxariiatee wuxu yidhi Abwaan Gaariye" Dalka aan ku noolahay,  Nin dilaala mooyee, ruuxii daryeel yidhi, duli buu ka qoran yahay"  Waa taas waxa ina haysta oo dhab ah. Halkan waxan ku soo gudbinayaa, waxa guud ahaan ay yihiin beelaha ugu jira Maamulka labadda askari. Ee Somaliland madaxa isugu dhuftay. Uma jeedo beel gaar ah iyo shakhsiyaad gooni ah, waxanse ka hadlayaa dhamaan inta magacyadda beelaha wax ku cuna, adna aan ku aqoon. Ee weliba dhibaatadda ku haya wax ay ku soo kordhi-yaana aan la arag, oon la maqal. Sidaas awgeed Maanta waxan u qalin qaatay. Oo I soo kiciyey, waa maqaadiir guud oo beel kasta, jifo kasta iyo qof kasta hor taala, la arkaayo, hadana la is diidsii-naayo, in carrabka lagu dhufto, aan kuu qeexo waxay yihiin arimaha aan kuu soo dul maraye iga hooya. Akhristaw waa kuwo kugu dul nool sidda gafanaha xoolaha dhiiga ka nuuga, oo iyaka oo kugu jaqaaya isku reer baan nahay, kuuna dhamay-naaya, wixii aad is tidhaaho qabsana, iska kaa hor taagaaya, inta laguu soo diro, lugta kuu qabanaaya, oo aanad ka amaan helayn, oo ah qaar aad ku daba tukataan, una haysataan in ay wax idiin qabana-yaan, haddii la soo qaado waxa ay samayna-yaana, mid caabudaa uu budhka kula soo doona-naayo, calaa-shaan isku reer ayaan nahay, laakiinse ah Abrisyo idinku maqan, oo idiin jebinaaya ciddii aad iska celin lahay-deen. Bal u fiirso kuwa maamulka askariga kaaga jiraa, is waydiiyoo maxay kuu qabtaan, oo weli ma haysaaa wax aad ka faa'iiday, iyaku magaca beesha aad ka soo jeedo, bay ku baadhaan kolba maamulka kolkaas  jooga, iyaka oo ku andacoodda xaquuq reerka ka maqan baanu kuu soo dhicinaynaa. taas oo ah been aanay haba-yaraatee wax-ba ka jirin, mana rabtid in aad la xisaab-tanto, oo aad ku tidhaah-do, magacayga baad wax aad ku heshaaye maxaad iigu mag-dhawday? Waxay af- buuxa kugu odhana-yaan, ma wax baad adigu noo dhiibatay, maamul-kaas baan  u shaqeeyaaye. Waxa xilka lagu siiyey-na waa magac beesha ee la soco, haddii la eryona, waa ka cabaadka ka kacaaya, ee reerkii isku soo rogaaya, kuna odhanaaya, saamigii aynu lahayn ma hayno.

 

 "Ayaan daranaa dhul-kaygu, aqoon daranaa dhashiisu, illaahay haduu wax siiyo, illawsho dhawaa saboolku "Sidaas markay tahay, saw xaal-koodu maaha " Reerka aan ku shaqaysto, anigoo rogaya" qof walbaw-ba bal ka ku hor boodaaya, ee aad leedahay hebel ama heblaayo baa maamulka inoogu jira, weli ma haysaa wax uu deegaanka aad ka soo jeedo ka qabtay? Qof uu kuu shaqo geeyey? Baahi uu kaa daboolay? Iyo taakulo ay idin siiyeen midna-ba? Jawaabtu waa maya, misna dhuunta malabka uu ka nuugayaa waa adiga (reerka weeye), mana ogid, hadaad og-tahay-na waad sirxan tahay. Waxan la yaabay, kuwa aad waalidda ugu dagaalamay-saan. ee magaca beeshiina la idiinku maqaar saaray, horta ma idinka war hayaan-ba? Waa su'aale,  mid kasta waxa uu ku faanaa, hebel oo aan is xigno baa maamulka inagaga jira, hadda waa kii reerka loo adeegsa-naayey, ee lugta ku hayey, qof ka mid ah beeshu markuu hadlo, waa kuwa la idinku soo diro, ee tabasha-diina iyo dhaliilaha aad u soo jeedi-saan maamulka kol-kaas jira, beenta idinku akhriya, ee idin yidhaaha wax baanu ka qabanaynaa, laakiinse raba oo keliya in ay idinku ilaashadaan mushaharka iyo tuuga-nimadda hantidda ummadda ee ay wax ka boobayaan. ma jirto naf ay cidna-ba u hayaan, ee waa lagugu muraad qumisa-nayaa, waxa la inaku maalaa beesheena baa beel kale wax ku tidhi, oo waa la isku soo keen soofeeyaa. Micnahu maaha wax bay kuu qabanayaan, ee waxay ku ilaashanayaan dana-hoodda gaarka ah, adna hub bay kaa dhigana-yaan ay ku dagaalamaan, waxad tahay madfacii ay ridayeen. kuwa ummadda is nacsiiyey-na waa iyaka, ee sidaas ula soco. waxay rabaan in aad xaq darradda iyo boobka ummadda ay ku hayaan aad isku barbar taagto.

 

Waxan ku soo xidhay qoraalkan, bal qof kastaw u fiirso kuwa aad leedahay waa xaafada-yadda, wixii ay haysteen maalintii ay magaca beeshaadda ku meel mareen, inaka oo reer hebel ku taageernay, laakiin aan is weydiin kuwani maxay idiin qaban karaan? Ma iyaka baad shaqo u samaynay-saan? Mise idinka bay deegaan-kiina horumar la doonayaan? Bal xisaabi adigu maalintii xilka uu hayo loo dhiibay, wuxuu aduun lahaa, daaro ay u dhisnaayeen iyo in kale, isaga jidh-kiisu intuu leekaa, miyuu bakhti-yaayey mise siduu imika yahay buu ahaa? Waxa dhab ah, oo aan muran ku jirin, in aanu mid-koodna daar lahayn, xoolana haysan, imikana ay ku jiraan kuwa " Afrika ugu taajirsan, isma yaqaanaan gurya-hoodu, hantidda ummadda laga boobay, ee lagu faax-faax-saday, arimaha sidaas futadda loogu kala qabtay, waa hantidaaddii, mase ka fekertay, wax deegaan-kaaga ka soo gaadhay? Waxa ay u qabteen oo la taaban karo ma haysaan? Mise xaal-keenu waxa weeye, Hebel iyo heblaayo baa noogu jira Maamulka. Kolka aad ruux waydiiso, waar hebel waxaas uu haystaa waa dhaqaalihii ummadda, waxa af-buuxa laguguu odhanayaa " Yaa adiga ku yidhi Xisbaabi? Ma cid baa kuu diratay? Ma adiga buu wax kaa cunay? Yaa kuu xil saaray in aad adigu ka hadasho? Iyo afla-gaado kale oo aan la soo koobi karin. Tusaale ahaan xagee buu askarigu ka keenay xoolaha uu haysto, ee uu afka dheer cirka ugu taagaayo? Isaga oo cumaamad madax ku xidhan buu soo galaye, maantana guryo sodon (30) ka badan buu Hargeysa ku leeyahaye, ma aabihii baa uga dhintay? Mise cirka baa Eebbe uga soo riday? Saw boob maaha uu ka dhacay hantiddii ummadda. ka sii darane Inan-kiisa u madaxdda ah " Koox-dda Heego" Wuxu ka mid yahay saaka kuwa ugu xoolaha badan "Afrikadda Bari" ee yaa ii sheegaaya halka uu ka soo shaqaystay? Waxa na leedihiin, xaq baa jira iyo sharciye.

 

N.B. Allaw Nimaan Wax Ogayn Ha Cadaabin.

Qore:- Abdi-Shotaly.


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...