Barta Afsoomaaliga Barta Q1aad
W/Q: Fuad Fartaag 17-12-20
HOOYO, Ma Waa HABARTAA Mise HOOYADAA? Ereyga se HOOYO halkuu kayimid?
Hooyo Waa Hooyo, oo Hooyo waxay tahay kii Nacas ah, kii nin rag ah,
tii Doqona iyo tii Fariid ah, midna loosheegimaayo!, Waayo?
Hooyo waa ta Camirtay Aduunka ee Dhashay waxa idil AADAME uunka Ku
guud nool!, Hooyo Xaq iyo Abaal, Ruux u gudikaraa majiro, Caadil Waa
Illaahaye, Xaqa waalid, Labadeena waalid, Illaahay Hooyo Saddex! ayuu
Aabaha dheereysiiyey, aanay shuruudi Ku xidhnayn!, Halka ay Saddex
kuwada joogaan ay shuruudi Ku xidhantay!, Runtii Hooyo Hooyonimadeedu
waxay tahay, Hubaal way Ka maqaam sareysaa, Ruux maqaallo lagaga
faaloodo, Waxaan se doonayaa in aan sharax Ka bixiyo, Magaca Hooyo Erey
ahaantiisa, waxa Hooyo looyidhi Hooyo, halkuu kasoo jeedo, Siddii uu u
Baxay, wuxuu ku baxay, iyo waxa caddayn u ah ee loohayo.
Balse Ereyga Hooyo, Intaynan dhuuxin oo aynaan raacdayn raad dhigiisu
halka uu ku qotomo, bal horta aynu Isla meel dhigno, Hooyo Ka ku Qumman
ama ku Haboon HOOYADAY iyo HABARTAY, Haddaba aniga oo aan Jiho u
Xaglinahayn! Haddaan Dhuraha u qaato, Marka hore waxa haboon in laysla
fahmo, Ereyda HABAR Iyo HOOYO iyaga oo isbarbardhig lagu samaynaayo
markaa Labada Erey ee Hooyo iyo Habar Waa Laba Erey oo Afsoomaali Dhalad
ah, oo aan inooga iman Afaf qalaad, Waa Laba erey oo aan Gaar u ahayn
Lahjad, bulsho iyo deegaan, waana laba Erey oo mug iyo miisaan ku leh
erey ahaan AfSoomaaliga, waana laba Erey oo aan kala dhicin oo Ruux
mudan loogu yeedho, Dihashada Hooyo marka Laga Reebo, Labaduba waxay
muujiyaan wax wada lahaansho iyo wax isku ahaansho, waana laba Erey oo
Cudoon oo Qumman, dhanka facweynaanta labada erey ee Hooyo iyo Habar
haddii dib loo raacdeeyo lama Kala caddayn Karo kii hor baxay,
Maxaayeeley Waa laba erey oo facweyn oo isku macno ah, markaa Nin HABARI
Dhashay hal maseegi waayee
Haddii aan eego xagga wax isku ahaanshaha Ereyga HABAR:-.
HABARTAY = HOOYADAY
HABAR-YARTAY = HOOYO WALAASHEED
HABAR-WADAAG ama ILMO-HABREED = UBADKA HOOYO WALAASHEED
Halkaa ereygii HABAR ayaa isku fuudsaday, oo lama odhan Karo,
hooyaday, Hooyo-yaraday iyo hooyo-wadaag!, Dhanka kale wax
wadalahaanshaha iyo aynu eegno Ereyga HOOYO:-.
Afkii HOOYO = AF Ummadi wada leedahay
Dhulkii HOOYO ama Ciiddii Hooyo, Dalkii Hooyo = Degel, Deegaan iyo Dal
Qoomiyad leedahay, haddii se, halkan Ereyga HABAR Ku bedelno
Afkii HABAR iyo Dhulkii HABAR macno samaynmaayaan, Sikastaba ha
ahaatee ereyga Habar sidduu ku Baxay oo sugan iyo halkuu Salka ku hayo
ee uu kasoo bilcamay, isaga ma sheegi karo, se waxa markhaati madoonto
ah inuu yahay Erey sharaf, maamuus iyo qadarin ay Ku dheehantay oo
soojireen ah, waa Erey lagu yidhaahdo Ruuxa garaadka iyo Garashada
wacan, oo waa Erey Milgo iyo mudnaan ah, Siddaasna Waxaan u idhi yaalaa
marka Erey la asal Raacdaynaayo waxa la eegaa haduu Erey-raac leeyahay
Erey-raaciisa, siddoo kale Ereyga wanaagiisa iyo Qaradiisa, waxa Laga
daalacdaa erayga DHigiisa ah ee Lab ama dhedig, markaa Siddaan Ka
dheehday Ereyga ODAY oo ah dhiga erayga Habar, waayo ADOOGAY oo ah
Odaygay ama Odagay = Aabahay, halkaas waxa inooga muuqanaysa ereyga ODAY
asal ahaantii in aan Da' Gu' tirsi waayeelnimo haba yaraatee wax lagu
bartilmaamsado aanu ahaan jirin, waayo Aabo ama Adoo Da' kuma xidhna,
waxaana Caddayn kale ah Ereyga ODAY sidda AfSoomaaliga loogu adeegsado
ee loogu yeedho ODAY Ruuxa Mudan ee Sharafta Leh ee Amaanta Mudan, oo
Ereyga ODAY Mar waa Amaanta Amaan ugu Sareysa!, Waxaana caddayn u ah
Ereyga ODAY inuu yahay Amaanta Amaan ugu Sareysa………....... lasoco
qormada danbe.
Fuad Fartaag 17-12-20
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!
Loading...
Loading...