Dhismaha Qaranka Codkaagu Ka Qeyb Weeye Muwaadin.

0
Sunday December 20, 2020 - 11:42:24 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 693
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhismaha Qaranka Codkaagu Ka Qeyb Weeye Muwaadin.

    W/Qortay: Muhiim Yuusuf Ibraahim

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Qortay: Muhiim Yuusuf Ibraahim

Ma ogtahay muwaadin inaad xaq u leedey in lagu doorto adna aad wax dooratadi?

Maxay se tahay faa’idada kuugu jirta inaad kaadhka diwaan-galinta aad qaadatid?

In aad kaadhka cod-bixiyaha qaadatid waa dhabadii aan ku dhisan lahayn dawlad kuna dooran lahayn hogaanka dalkeena.

Maxay tahay danta inoogu jirta ineynu dawlad helno?

Dawladdu waa nidaam iyo xeer ku dhisan kala danbayn iyo sharci taaso bulsho goob kuwada nooli ay ku midaysan yihiin, wadaagayaana khayraadka deegaanka, dhaqalaha iyo waxkastoo horumar ah.

Maxaynu ka helnaa dawladnimada?

Somaliland 100% dadka ku dhaqan waa dad muslim ah, Allah (S.W.T) ka sokow dawladu waata sugta diinteena suuban kana hor tagta ficilada ku lidka ah diinteena, haddaynaan lahayn dawlad waxa suurtagal ah in leynagu faafiyo diimo kale iyo mad-habyo kale. Waxyaalihii fuduudeyey in Qaarada Africa oo intooda badan asalkii islaam ahayd in gumeystuhu ka badalo diintooda waxay ahayd dawlad la'aan isagoo boqorro iyo hogaamiyo dhaqameed heshiis la galayey.

Dawladdu waata ka masuulka ah nabadda aynu ku caano-maalney, mid nafeed iyo mid maalba, haddaan dawladi jiri lahayn ma helneen amni iyo xasilooni, kolba qabiilka u badan una awooda sarreeya ayaa u awood sheegan lahaa  ka awoodda yar taran ahaan iyo hanti yaraanba. waxaana taa cadeynaya in Somaalidii hore kala dhici jireen geela.

 

Dawladdu waata hirgalisa in lawada wadaago kheyraadka iyo hantida dalka. Lama soo koobi karo lamana tirin karo faa’idooyinka dawladnimadu leedahay.

Nidaamka dalkeenna, dawladdu waxay ka koobantey saddex qeybood oo kala ah  golaha sharci dajinta(legislative branch) ,golaha fulinta ( executive branch) iyo golaha garsoorka (judicial branch).

Muwaadin diwaangalinta hadda socota iyo kaadh qaadashadu waatii aad ku dooran lahayd doorashada inagu soo foolka leh bisha May 2021 ee golaha sharci dajinta iyo dawladaha hoose.

Dalkey caawimaad u tahee muwaadin kaadhka qaado.

 

W/Qortay: Muhiim Yuusuf Ibraahim

 

 

 


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...