Wax Ka Baro Jamhuriyadda Malawi.

0
Sunday December 20, 2020 - 11:36:23 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 885
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wax Ka Baro Jamhuriyadda Malawi.

    W/Q: Rashiid Odowaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Rashiid Odowaa

Malawi waa waddan yar oo ku yaalla koonfur Africa,barigii hore waxa loo yaqaannay Nysaland oo ahayd harada ku taal wadankaas markii danbena loo bixiyay Malawi haradan waxay dabooshaa saddex meelood meel ahaan ayay ka tahay dhulka jamhuriyadda malaawi,waddankan waxa uu ka mid yahay waddamada aan bad lahayn Landlocked loo yaqaan,caasimadda dalku waa Lilongwe dadka ku nool waxa lagu qiyaasaa 18,143,217 waxa loo yaqaan inay yihiin dadka Afrika ugu soo dhoweynta badan ama ugu Qalbiga furan.



Xagga siyaasadda haddaynu ka eegno waddankani waa dimoqraaddi waxayna leeyihiin hananka Xisbiyada badan waxa hadda Madaxweyne ka ah Lazarus Chakwera madaxweynaha iyo ku xigeenka waxa la doortaa shantii sano mar,dhinaca baarlamanka waa aqal keliyaale (Unicameral) oo ah tiro 193 xildhibaan ah iayguna doorasho ayay ku yimaaddan shantii sano mar.


Xagga dhaqaalaha Malawi waxay ka mid tahay waddamada dhaqaalohoosu hooseeyo 85% ayaa dadkoodu ku noolyihiin meelaha magaalooyinka ka baxsan dhaqaalohoodu wuxuu ku tiirsanyahay Beeraha 80% waxa kaloo uu ku tiirsanyahay dhaqaalohodu Baanka Adduunka iyo hayadda lacagta Adduunka IMF oo ka caawiya,sannadkii 2000 ayay IMF ka joojisay lacagtii iyadoo lagu Sababeeyay musuq maasuq dalkaas ka jiray hase ahaattee 2005 ayaa haddana loo sii daayay US$575milion waddankan wuxu la daalaadhacayaa HIV/Aids oo ay ka haysattaa caqabad iyo Horumarinta waxbarshada.


Dhinaca xidhiidhka caalamiga ah waddankan yar waxa xidhiidh la leeyahay waddamo badan oo reer galbeedka ah iyo maraykanka,tan iyo intii ay ka guureen nidaamka xibiga keli ah waxay xidhhiidh aad u wanaagsan la samaysteen Maraykanka Tiro aad u badan oo arday ah ayaa waddankaasi wax ku soo barata,dhinaca kale waxa lagu tiriyaa inuu waddankani dadkaiisu ay leeyihiin  waxa loo yaqaan ku dhaca tusaale ahaan Wasiirkan Arrimaha dibadda Esinhower Mkaka ee maanta Hargeisa lagu soo dhoweeyay wuxuu ahaa Ninkii ku dhiiraday inuu yuhuudda ku garab istaago sheegashada Quddus waxa kaloo uu ahaa ninkii taageeray Inay Saxaaraha Galbeed ka go’do Moroko inteeda kale.


Haddii aynu eegno waxa Somaliland ka fii’iidi karto waxa uu noqonayaa ugu yaraan xidhiidhka caalamaiga oo sii kordha iyo isagoo is garab taaga gooni isu taagga Somaliland.


W/Q: Rashiid Odwaa

[email protected]

063-4101213

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...