Xog Kooban Oo Ku Saabsan Waddanka Malaawi

0
Sunday December 20, 2020 - 11:02:50 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1143
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xog Kooban Oo Ku Saabsan Waddanka Malaawi

    W/Q: Abdirahman Ali Ahmed.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Abdirahman Ali Ahmed.

Waddanka Malawi waa Waddan dhaca Koonfurta bari ee qaarada Afrika sidoo kale waxa uu ka mid yahay 16-ka Waddan ee qaarada Afrika ee aan lahayn baddaha (land locked Countries) , Waddanku waxa uu jihooyinka kala duwan xudduudo kala leeyahay Waddamada Zambia, Tanzania iyo Musaanbiig. Caasimadda waddanka waxa la yidhaahdaa Lilongwe, tirada guud ee Wadanka qiyaas ahaan 2020-ka waxa lagu qiyaasay 19 Milyan. Waddanku waxa uu xornimadiisa rasmiga ah ka qaatay Waddanka Ingiriiska sannadkii 1964-kii. Haddan yara eegno xagga dhaqaalaha Waddanka Malawi GDP- giisa waxa lagu qiyaasay sannadkii 2019-kii 7.67 billion dollars.

 

Tan iyo intii uu xornimadiisa rasmiga qaatay waddanka malaawi waxaa soo maray tiraba dhawr Madaxweyne. Hastings Banda waa Madaxweynihii ugu muddo xileedka dheeraa ee Waddanka soo maray isagoo joogay xafiiska muddo 27 sanno ah. Intaa wixii ka danbeeyay waddanku wuxuu qaatay nidaam siyaasadeedka ku dhisan dimuquraadiyada waxaana 5-tii sannadoodba la doortaa Madaxweyne cusub. Bakilli Muluzi waa Madaxweynihii labbaad ee Waddanka ee la doortay 1994 lagana doortay Xisbigga (United Democratic Front) isagoo Madaxtinimada waddanka ku guulaystay laba muddo xileed. Intaa wixii ka danbeeyay waxa Madaxtinada Waddanka u kala danbeeyay Bingu wa Mutharika, Joyce Banda, Peter Mutharika iyo Madaxweynaha cusub ee hadda la doortay 28 june 2020 Lazarus Chakwera.

 

Waddanka Malawi waxa uu xidhiidh dhow oo saaxiibtinimo la leeyahay dhammaan waddamaada jaarka gaar ahaan Waddanka koonfur Afrika, Musaanbiig Iyo Zambia oo uu la leeyahay xidhiidhka ugu dhow.

Sidoo kale waddanku wuxuu xidhiidho wanaagsan oo dibeddeed la leeyahay Waddamada midawga yurub, Shiinaha iyo Maraykankaba. Waxa xusid mudan in Waddanka Malawi uu xidhiidh diblomaasiyadeed oo wanaagsan hore ula lahaa Jamhuuriyadda Taiwan sannadihii 1966 ilaa 2008 balse hadda uu u digorogtay xagga Shiinaha. Malawi Waxay xidhiidh diblomaasiyadeed oo aad u wanaagsan la leedahay Israel tan iyo July 1964-kii waxayna ka mid tahay Waddamada faro-kuturiska ah sida lesotho iyo Swaziland ee aan xidhiidhka ay la leeyihiin Isarael marna aan beddelin. Madaxweynaha hadda la doortay ee Malawi waxa uu muddo laga joogo 2 bilood ka hor ku khudbadeeyay innay qorshaynayaan innay Safaarad ka furtaan Isarael, halka isla Wasiirkan arrimaha dibedda ee maanta Somaliland yimid uu bishii hore ee November 3 uu booqasho rasmi au ku tagay Israel.

 

W/Q: Abdirahman Ali Ahmed.

MSc in Economics at Sakarya University in Turkey.


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...