Maxaad Ka Ogtahay Murashaxa Ay Sii Muuqato In Deegaan Walba Iyo Daan Walba Oo Hargeysa Ah Looga Codeyn Doono.

0
Sunday December 20, 2020 - 10:39:37 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 895
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxaad Ka Ogtahay Murashaxa Ay Sii Muuqato In Deegaan Walba Iyo Daan Walba Oo Hargeysa Ah Looga Codeyn Doono.

    W/Q: Mustafe Isse

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Mustafe Isse

Cabdikariin Axmed Mooge waxa uu noqday rajadii ku keliftay in dad badan oon danayn jirin inay is diiwaangeliyaan ay safafka dhaadheer u galeen dartii.



Dad badani sheeko kadibna, waxay ii sheegeen inay u codeyn doonaan Mr.Mooge, kadibna waxa aan isku dayay inaan ogaado dhumuda arrintu lee dahay,  waxaan la xidhiidhay asxaab badan iyo ehelba waxaan ogaaday in deegaan kasta oo Hargeysa ka tirsan uu Cabdikarrin Axmed Abdikarim Ahmed Mooge, cod aan qiyaas lahayn ka heli doono.


Mid ka kid weriyayaasha Hargeysa ka hawlgala ayaa ii sheegay in maalmaha diiwaangelinta ay socoto goob kasta dhalinyarada ay kula sheekeysanayeen ay ka ogaadeen in tiro badan oo codad aan qoyskiisa oo keliya ahayn uu heli doono murashaxa kooxdiiQabyaalad-diid.


Haddii EEBBE ka dhigo in dalka ay doorashadaasi ka dhacdo  oo la doorto Mr, Axmed waxa xaqiiq ah in dadku ay ka qabaan filasho xad dhaaf ah oo keeni doonta wax kasta oo uu la yimaado in in-kabadan laga sugaayay, sidaa daraadeed waxa keliya oon raacin doonaa waa duco.

 

W/Q: Mustafe Isse

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...