Soomaalidu Inta Ay Dano Qaran Isku Hayaan Waxa Ka Badan Dano Qabiil...W/Q Maxamed Cabdilaahi Dhaaley
Soomaalidu Inta Ay Dano Qaran Isku Hayaan Waxa Ka Badan Dano Qabiil...W/Q Maxamed Cabdilaahi Dhaaley
Soomaalidu inta ay dano qaran isku haayaan waxaa ka badan dano qabiil. Bisayl dawladnimo weli lama gaarin, in aan la gaarinna sababteeda dadka uun ma leh, ee dadka iyo dawladduba waa leeyihiin.
Dawladuhu dadka ayay ka yimaadaan. Haddii ay xikmad la imaan waayaanna, waxay noqdaan awoodihii is haayay oo shaarka isu beddeshay. Waana sababta loo arko dad meel deggan oo go'aannada dawladda ka soo horjeesanaya, maxaa yeelay "reer hebel" oo aad taqaan wejigooda kaa lumi maayo hadday boqol dawladoodna noqdaan.
Mareexaanka Gedo deggan xaq ayay u leeyihiin inay masiirkooda deegaan iyaga go'aansadaan, sida ay Xawaadlaha Beledweyne deggan, Dhulbahantaha Sool deggan iyo qola kasta oo ay qola kale u dawladeynaysaba xaq ugu leeyihiin inay dantooda u istaagaan. Waxaanse xaq iyo xal ba ahayn in go'aan reereed loo ekeysiiyo dano qaran oo reerkaas iyo kan ay is haayaan uu midna waddani ku noqonayo midna shisheeye-kalkaal. Waa sida uu maamulka Farmaajo u ekaysiinayo waxa ka taagan Gedo.
Farmaajo haddii uu rabo inuu wax taro beeshiisa oo dhowr sano uu Axmed Madoobe u soo dawladeynayay, laba mid ayaa u furnayd:
1. In uu beeshiisa beel ahaan u abaabulo, iyadana u daayo go'aankeeda beeleed, iyo/ama
2. In uu xilka madaxweynaha qaranka, oo odaygii dalka ugu sarreeyay ah, uga faa'ideysto inuu isu keeno beeshiisa iyo Madoobe, ka dibna wax ay heshiis ku wada yihiin oo labada iyo deegaankaba u dan ah la soo saaro.
Nasiibxumo, tubta uu hadda qaadayo waxa ay ka waxyeelo badanaysaa reero is haaya. Wuxuu jideynayaa sunno foolxun oo nin kastoo kursiga madaxtinimada dalka yimaada u ogolaanaysa in, haddii nin qabiilkiisa ah iyo nin Shiineys ah ay is feeraan, uu Shiinaha xiriirka u jaro asagoo leh "danta qaranka ayay ku xadgudubtay".
![]() |
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!
Loading...
Loading...