Xisbiga WADDANI Oo Ka Hadlay Khilaaf Iyo Ismaan-dhaaf Dhexdoodda Ah
Hargeisa(HWN):-Siyaasi Cali Cantar oo ka mida Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI ayaa ka hadlay hadallo

Hargeisa(HWN):-Siyaasi Cali Cantar oo ka mida Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI ayaa ka hadlay hadallo ismaan-dhaaf ah oo ay Warbaahinta isku marriyeen Xoghayaha arrimaha gudaha ee Xisbiga WADDANI Maxamed Faarax Cabdi iyo Siyaasiga Cabdillaahi Dahab oo ka mida Siyaasiyiinta waa wayn ee Xisbigaas.
Siyaasi Cali Cantar waxa uu sheegay in Khilaafka u dhaxeeya labadan Siyaasi iyo hadallo iska soo horjeedda ay Warbaahinta isku marriyeen-ba in Xisbigu fadhi ka yeellan doono, isla markaanna lagu gorfayn doonno hadallada is murinnaaya ay is dhaafsaddeen.
"Runtii Xafiiska ayaanu isla tagi doonnaa oo waa laga shaqayn doonnaa, halkanna ka sheegi maayo tallaabooyinka uu Xisbigu qaaddi doono, laakiin waxa loo baahan yahay inaan laba Siyaasi oo Madaxda Xisbiga WADDANI ka tirsan aannay Warbaahinta isugu jawaabin, waxaanna wanaagsan in marka qaddiyad la sheegaayo ama Harumar laga hadlaayo inaanu Xukuumadda ku taageerno.
Annagu wixii ay xumeeyaan ayaannu mucaarid ku nahay, laakiin Xisbi ahaan wixii ay hagaajiyaan waannu ku raacaynaa, waayo haddii kale dee annaguna Xisbi noqon mayno, labaddaas siyaasinna Xafiiska ayaanu isla tagaynaa, waayo midna waa hoggaan midna waa Xoghayaha arrimaha gudaha ee Xisbiga, markaa waa laba siyaasi oo ka mida Madaxdii Xisbiga WADDANI, markaa Ixtirraam baa jira, kala sarrayn baa jirta, meel baa loo wada socdaa, markaa midnimo ayaa loo baahan yahay, laakiin maaha inaanu annagu mindiyo af leh iskala hor nimaadno" Ayuu yidhi Siyaasiga Cali Cantar oo waraysi gaar ah siiyay telefishanka BULSHO TV.
Loading...
Loading...