Xisbiga Waddani Oo Shir Deg Deg Ah Iskugu Yimid Iyo Go'aamo Laysla Qaatay
Hargeysa(HWN):-Masuuliyiinta ugu saraysa xisbiga mucaaridka ah ee Waddani ayaa maanta iskugu yimid shir deg deg ah.

Shirkan oo ka dhacay xarunta dhexe ee xisbiga Waddani ayaa waxa ka soo qayb galay hogaanka sare ee xisbiga,guddida fulinta, garabada haweenka iyo dhalinyarada ee xisbigaasi, waxaana shirkan lagaga hadlay arimo la xidhiidha aragtiyo uu leeyahay xisbigu iyo xaalada dalka.
Intii shirku socday ayaa masuuliyiinta ugu saraysa xisbiga Waddani waxay isku raaceen in la sii adkeeyo mawqifka uu xisbigu ka taagay yahay guddida doorashooyinka somaliland oo xisbigu guud ahaanba kala laabtay kalsoonidii uu ku qabay.

Shirkan xisbiga Waddani ayaa sidoo kale war war xoog leh lagaga muujiyey xaalada uu dalku marayo oo ay ku tilmaameen mid aan wanaagsanayn oo halis keeni karta.


Masuuliyiinta ugu saraysa xisbiga Waddani ayaa sidoo kale isla qaatay inay shacabka somaliland si deg deg ah ugu soo bandhigaan aragtida ay ka qabaan xaalada uu dalku mu jiro iyo dib u dhac saansaankeedii muuqdo oo doorashooyinka ku imanaya.
![]() |
![]() |


0 







