Ma Xil Ka Qaadis Ayaa Lagu Sameeyey Gudoomiye Dalmar Mise Wuu Is Casilay?

0
Sunday April 28, 2019 - 17:24:41 in News by
  • Visits: 3503
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ma Xil Ka Qaadis Ayaa Lagu Sameeyey Gudoomiye Dalmar Mise Wuu Is Casilay?

    Dooda gudoomiye Dalmar iyo Maxkamada Sare Ee Somaliland Oo Is Khilaafsan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dooda gudoomiye Dalmar iyo Maxkamada Sare Ee Somaliland Oo Is Khilaafsan.


Hargeysa(HWN):-Gudoomiyihii maxkamada gobolka Maroodijeex Axmed Dalmar Ismaaciil ayaa sheegay inuu iska casilay xilkii hogaaminta maxkamada, halka gudoomiyaha maxkamada sare sheegayo inuu xilka ka qaaday isla markaana u badalay garsoore ka tirsan maxkamada racfaanka gobolka.

Image may contain: one or more people and people standing


Gudoomiyaha maxkamada gobolka Maroodijeex Axmed Dalmar Ismaaciil oo ku doodaya inuu iska casilay xilka ayaa waxa uu yidhi "Waxaad umada gaadhsiinayaa oo aan u cadaynayaa maadaama oo aan amaano u hayey inaan shaqadii qaranka ka tagay oo aan amaanadoodiina iska riday anigu oo aan idhi halkaas ayaan ku joojinayaa shaqadii garsoorenimo iyo shaqadii gudoomiyaha maxkamada gobolka Maroodijeex, waxaanan cadaynayaa inaan iska casilay xilkii gudoomiyenimo iyo garsoorenimo ee maxkamada gobolka Maroodijeex.”


Gudoomiye Axmed Dalmar oo hadalkiisa sii wata ayaa ka hadlay sababaha iscasilaadiisa waxaanu yidhi "Sababaha aan isku casilay way badan yihiin waana qaar aniga ii gaara oo aan faah faahintooda mar kale gali doono.”


Gudoomiye Axmed Dalmar oo hadalkiisa sii wata ayaa doodaya inaanay jirin xil ka qaadis uu ku sameeyey gudoomiyaha maxkamada sare "Aniga shaqada laygama eryin oo maan maqal shaqo eris aniga ayaana shaqada ka tagaya, gudoomiyaha maxkamada sare-na hadii uu warqad soo qorayo toos ayuu iigu soo qori lahaa, kaligiina xilka igama qaadi karo waayo gudoomiye maxkamad gobol ayaan ahay markaa warka sheegaya in gudoomiyaha maxkamada sare xilka iga qaaday marka hore ayaanu sharciba ahayn.”


Dhinaca kale warqad ka soo baxday maxkamada sare ee somaliland ayaa lagu sheegay in xilka laga qaaday gudoomiyihii maxkamada gobolka Maroodijeex iyo gudoomiyihii degmada Hargeysa Cabdirashiid Beergeel isla markaana laga dhigay garsoorayaal ka hawl galaya maxkamada racfaanka ee gobolka, isla markaana xilalkii ay hayeen loo dhiibay masuuliyiin kale.


Warqada Ka Soo Baxday Gudoomiyaha Maxkamada Sare ayaa u dhignayd sidan

No photo description available.

Loading...
Loading...