Maxaad Ka Taqaanaa Taariikhda Magaalada Barakaysan Ee Qudus.
W/Q: Osman Abdillahi Sool
Qudus waxay kamid tahay Magaalooyinka ugu qadiimsan
Caalamka. Wuxuu Cumrigeeda ku dhowayahay 5-Kun oo Sano waxayna Saldhig
usoo noqotay Diimaha Islaamka, Kirishtanka iyo Yuhuudda.
Qudus, Jerusalem, Yabuus, Kaaptooliya, Sahyuun,
iiliyaa iyo Baytul-Maqdas waa Magacyo kala duwan oo wada tilmaamayo
halkaan Magaalo waxana kusoo magacaabay Ummadihii kala duwanaa ee soo
maray.
Qudus oo Micnaheedu yahay Magaalo Barakeysay waxaa Magaceeda lagu xusay Kutubka Toowtaarka 680-Jeer.
Markii ugu horeysay Taariikhda, 2500 oo Sano
Miilaadiyada kahor Magaalada Qudus waxaa degay Reer Kancaan oo ah
Qabiilo Carbeed.
Miiladiyada kahor 1600 oo Sano, Qudus waxa ka
talinayay Masaarida uu Fircoon hoggaaminayay, waxana talada uga
dambeeyay Yuhuudda oo Qudus ka talineysay 73-Sanadood.
Miilaadiyada 977-Sano kahor, waxaa Magaalada Gacanta
ku dhigay Nabi Suleyman Caleyhi-Salaam oo ka talinayay 40-Sano, waxana
uga dambeyay Wiilkiisii Suleymaan ahaa Caleyhi-Salaam oo isaguna gacanta
ku hayay 33-Sano.
Nabi Suleymaan kadib Qudus waxa kasoo taliyay
Boqortooyoyinkii Baabilyoon, Beershiya, iyo Roomaaniya, waxayna ku
jirtay Gacanta Roomaanka ilaa Islaamku kala wareegay.
Sanadkii 621-dii Miilaadiyada Qudus waxay
Marti-Gelisay Booqashadii Nabi Muxamed Sallallaahi Calayhi Wasallam oo
laga dheelmiyay Kacbada Barakeysan loona dheelmiyay Masjidul-Aqsa.
Khilaafadii Cumar Binu Khaddaab, Magaalada Qudus oo
loo aqoon jiray iiliyaa waxaa furtay Muslimiinta oo uu hoggaaminyay
Abaa-Cubdeydah Caamir Binu-Jarraax, wuxuna Cumar Magaceeda u bedelay
Qudus, waxana uga dambeeyay Dowladihii Amawiyiinta iyo Cabaasiyiinta
waxayna saldhig u aheed Islaamka iyo Dhaqanka Carabeed
Qarni iyo Bar kadib Magaaladu waxaa ku loolamay
Dowlado yaryar oo Muslimiin ah waxayna ugu dambeyn gacanta u gashay
Dowladdii Salaajiqada Sanadkii 1071-dii.
Qudus waxay markale marti-gelisay loolan u dhexeeyay
Dowladihii Salaajiqada iyo Faadimiyiinta, waxaana xurguftaas ka
faa’ideestay Kirishtanka oo Magaalada qabsaday kuna dilay in ka badan
70-Kun oo Muslimiin ah Sanadkii 1099-kii.
Sanadkii 1187-dii Miilaadiyada ayuu Salaaxu-Diin
Al-Ayuubii Magaalada kusoo celiyay Gacanta Musliminta, kadib Dagaalkii
Xidiin ee uu Kirishtanka la galay, wuxuna dib u dhis ku sameeyay
Magaalada.
Markuu Salaaxu-Diin dhintay ayay Kirishtanku mar kale
dib u qabsaden waxayna heesten 11-sano waxana kasoo celiyay Najmu-Diin
Ayuub Sanadkii 1244-tii.
Sanadkii 1516-dii Falastiin waxay Gacanta u gashay
Dowladdii Cusmaaniyiinta oo heeystay ilaa iyo Dagaalkii Koobaad ee
Adduunka oo lagu jebiyay Dolwaddii Cusmaaniyiinta.
Dagaalkii Koobaad kadib Falastiin waxaa qabsay
Ingiriiska wuxuna u sameeyay Ismaamul Gudaha ah oo uu Caasimad uga
dhigay Magaalada Qudus, waxayna Qaramada-Midoobay Qudus u aqoonsaden
Caasimadda Falastiin Sanadkii 1947-dii, waxaana Qudus xiliyadaas kusoo
qulqulayay Muhaajiriin Yuhuud ah.
Sanadkii 1948-dii Ingiriisku wuxuu iclaamiyay inuu
isaga baxayo Falastiin oo aan laheyn Ciidan iyo Siyaasad dhisan, waxana
jaaniskaas ka faa’ideestay Yuhuudda oo ku dhaqaawday Dowlad cusub oo
Caasimaddeedu tahay Qudusta-Galbeed halka Qudusta-Barina ay Gacanta ugu
jirtay Dowladda Urdun, waxana Qudus si toos ah ula wareegay Yuhuudda
kadib Dagaalkii Lixda Maalmood socday ee dhex-maray Yuhuudda iyo Cabarta
Bishii Juun ee Sanadkii 1967-dii.
Tirakoob la sameeyay 1948-dii Falastiiniyiintu waxay
Magaalada ka deganaayeen 88.5%, halka Yuhuuduna ka deganed 11.5% kaliya.
Wixii xiligaa ka dambeyay Yuhuuddu waxay kusii
fidayeen Magaalada ilaa Mareykanku u aqoonsaday Caasimadda Yuhuudda.
Qudus waa Magaalo Muslimiin, ha yeeshee Diimaha kala
duwan waxay uga dhigantahay meel Barakeysan oo mudan in la hanto.
Sooyaalka Taariikhdeduna wuxuu ku tusayaa inay markaste Gacanta ugu
jirtay Qolada markaas Gacan-Sareysa.
Magacaabisteduna ma ahan Qadiyad Siyaasadeed ee waa Loolan Diimeed oo soo jireen ah.
Shalay Qudus waxay Gacanta Muslimiinta uga baxday
Qorai-Caaraddii, Maanta isla Dariiqaas ayay kusoo Laaban kartaa.
Osman Abdillahi Sool..... Freelance Journalist. [email protected]
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!
Loading...
Loading...