Wax a Ka Faham Sida Talaalka Covid 19-ku u Shaqaynaayo. By: Osman Abdillahi Sool.
Kana Fogow Khuraafaadka Iyo Buufiska Kuna Xidhnow Cilmiga Iyo Caqiidada Diiniga ah.
ILaahay Subxaana watacaalaa waxa uu Diinteena suuban inoogu
sheeg in Cudur kasta oo uu keeno uu soo raaciyo Dawadii lagula tacaali
lahaa, sidaa awgeed waa in aad fahamtaa in Talaal iyo Dawo labadaba loo
heli karo Cudur kasta oo dunida yimaada.
Tallaalkan Covid 19-ka ee ay soo saarta Pfizer/BioNTech ayaa
noqday kii ugu horreeyey ee muujiya natiijo wanaagsan, ka dib markii
lagu sameeyey tijaabooyin badan ee uu marayna wajiga ugu dambeeyey ee
samayntiisa.
Waa nooc cusub oo lagu magacaabo tallaalka mRNA kaas oo
isticmaalaya hidda-side yar oo Virus-ku leeyahay si jidhka loo baro
sidii uu ula dagaalami lahaa marka Covid-19-ku jidhka soo weeraro,
difaaca jidhkana uu u dhisi lahaa.
Tallaalku waxa uu ka kooban yahay waxyar oo Qolfta Virus-ka
mRNA ee [Covid-19] kaas oo gelaaya unugyada jidhka si uu u sameeyo
Nafaqo ama ( Protein) Nafaqo gaar ah," ayey yidhaahdeen khubarada
Cilmiga Talaalka ku takhasusay.
"Marka qofka lagu mudo ama lagu duro tallaalka, jidhka ayaa
waxa uu soo saarayaa Nafaqo (protien) aan keenaynin cudur balse dhisaysa
difaacii jidhka, taas oo keenaysa in jidhku barto habka la isaga
difaaco cudurka [Covid-19]."
Tallaalka waxa uu ka kooban yahay laba Irbadood oo 21-tan
maalmood ay u dhaxayso qaadashadooda, iyadoo Irbada labaad ay tahay
xoojiye. Difaaca jidhka ayaa xoogaysanaaya kaddib marka uu Qof-ku qaato
Irbada koobaad hasayeeshee saameyn buuxdo waxa uu yeelanayaa 7 maalmood
kaddib marka Irbada labaad la qaato.
Khubarada Talaalku waxa ay sheegeen in ansixinta Talaalku ay
timid kaddib "markii la sameeyey hannaan furan iyo baadhitaan dheer oo
dib loo hubiyey fayadhowrka talaalka." taas oo lagu xaqiijiyay in
tallaalku uu gaadhsiisan yahay "Heerrarka waxtarka, badqabka iyo tayada
wax soo saarka ee hay'adda FDA".
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!
Loading...
Loading...