Fifa Oo Ku Dhawaaqday Xidigii Ugu Wanaagsanaa 2020 Iyo Ruushka Oo Laga Mamnuucay Koobka Aduunka

0
Friday December 18, 2020 - 11:08:41 in News by
  • Visits: 2070
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Fifa Oo Ku Dhawaaqday Xidigii Ugu Wanaagsanaa 2020 Iyo Ruushka Oo Laga Mamnuucay Koobka Aduunka

    Fifa Oo Ku Dhawaaqday Xidigii Ugu Wanaagsanaa 2020 Iyo Ruushka Oo Laga Mamnuucay Koobka Aduunka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Fifa Oo Ku Dhawaaqday Xidigii Ugu Wanaagsanaa 2020 Iyo Ruushka Oo Laga Mamnuucay Koobka Aduunka


Xidhiidhka kubadda cagta Adduunka ee FIFA ayaa shaacisay xiddiga ku guuleystay abaal-marinta xiddigii ugu wanaagsanaa sannadka eeThe Best FIFA Football Awards 2020.

Image may contain: 1 person, dancing


Saddexda ciyaartoy ee Robert Lewandowski, Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi ayaa noqday ciyaartoyda iskugu soo hadhay ee kama dambaysta ku tartamayay abaal-marintan.


Cristiano Ronaldo oo 31 gool u dhaliyey Juventus xili ciyaareedkii hore ayaa kula guuleystay horyaalka Serie A oo ay faro ciddidooda kaga qaadeen Inter Milan oo kusoo xigtay, laakiin Lionel Messi ayaa isaguna Barcelona usoo dhaliyey 25 gool iyo 21 caawimood balse kulama guuleysanin wax koobab ah.

Laacibka reer Poland ee Robert Lewandowski ayaa Bayern Munich la qaaday Champions League, Bundesliga iyo German Cup, isla markaana soo dhaliyey 55 gool oo dhamaan tartamada ahaa.

Image may contain: 1 person, playing a sport
Image may contain: 1 person

Lewandowski ayaa la rumaysnaa inuu noqonayo xiddiga sannadka ee hantiyi lahaa abaal-marintii la joojiyey sannadkan ee Ballon d’Or, laakiin waxa uu Ronaldo iyo Messi kula tartamay abaal-marinta The Best FIFA Football Awards 2020.


Ronaldo ayaa ahaa xiddigii abaal-marinta The Best ku guuleystay sannadkii 2017kii, waxaase kala wareegay Luka Modric oo wacdaro ka dhigay Koobkii Adduunka ee 2018 lagu qabtay Ruushka, halka Lionel Messi uu 2019 hantiyey markii uu Barcelona ka caawiyey inay laba jeer oo isku xigta ku guuleysato horyaalka LaLiga.


Weeraryanahanka kooxda Bayern Munich iyo xulka qaranka Poland ee Rober Lewandowski ayaa abaal-marinta FIFA The Best ku garaacay Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi, kaddib wacdarihii uu ka dhigay garoomada xili ciyaareedkii hore.


32 jirkan ayaa codadkii ugu badnaa ka helay kabtannada, tababareyaasha iyo wariyeyaasha u codaynayay xiddiga sannadka, waxaana uu si aad ah uga horreeyey labada ciyaartoy ee la tartamay ee Ronaldo iyo Messi.


Dhinaca kale, Lucy Bronze oo u ciyaarta kooxda haweenka Manchester City ayaa noqotay xiddigtii ugu wanaagsanayd sannadkan 2020.

Image may contain: 2 people, people standing and people dancing

Lucy Bronze oo u dhalatay waddanka England ayaa abaal-marintan ku garaacday Pernille Harder oo u ciyaarta Chelsea iyo xulka qaranka Denmark iyo waliba Wendie Renard oo Lyon iyo France u ciyaarta.

Xulka qaranka Ruushka ayaan ka qayb-geli doonin Koobka Adduunak 2022 kaddib markii ay maxkamadda Garsoorka ciyaaraha ee CAS ay soo saartay go’aanka kama dambaysta ah ee xayiraaddii uu kusoo rogay guddida Olambikada Adduunka.

Ruushka ayaa hore loo saaday xayiraado afar sannadood ah oo ciyaaraha lagaga mamnuucay iyadoo lagu eedeeyey in ciyaartoygeeda ciyaaraha fudud ay isticmaaleen maandooriyeyaasha awoodda kordhiya, si ay ugu guuleysan karaan billado.


 

 

 

Loading...
Loading...