Xeer Illaaliyihii guud Ee Dalka Maraykanka Oo Iscasilay

0
Friday December 18, 2020 - 11:00:57 in News by
  • Visits: 1429
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xeer Illaaliyihii guud Ee Dalka Maraykanka Oo Iscasilay

    Xeer Illaaliyihii guud Ee Dalka Maraykanka Oo Iscasilay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xeer Illaaliyihii guud Ee Dalka Maraykanka Oo Iscasilay


Hargeysa(HWN):- Xeer illaaliyihii guud ee Maraykanka William Barr ayaa ku dhawaaqay inuu xilka ka degayo.




Iscasilaaddiisa ayaa lagu soo beegay kadib markii Dowlad Gobaleedyada dalka Maraykanka ansixiyeen guusha Madaxweynaha la doortay ee Joe Biden.


xidhiidhka Madaxweynaha wakhtigiisa dhamaadka yahay ee Donald Trump iyo Xeer Illaaliyaha William Barr ayaa sii xumaanayey wixii ka danbeeyey doorashadii bishii hore wadankaasi ka dhacday.


Trump oo hore u magacaabay William Barr oo ka mid ahaan jiray taageerayaashiisa xagjirka ah, ayaa si weyn uga cadhooday, kadib markii Xeer illaaliyaha sheegay inayna jirin wax caddaynayo in la musuqmaasuqay natiijadasida uu ku doodayo Trump, arrintan oo soo dedajisay inuu xilka isaga dego.


Donald Trump ayaa sida caadada u ah bartiisa Twitter ku shaaciyey in Xeer illaaliyaha xilka ka degayo dhamaadka bishan isagoo warkan ku soo beegay daqiiqado kadib markii Dowlad gobaleedyada Maraykanka ansixiyeen natiijada doorashada Madaxweynaha oo uu ku guuleystay Joe Biden.

Loading...
Loading...