Hooyo Meel Cidlo Ah Fool Ku Qabatay Oo Iska Umulisay

0
Friday December 18, 2020 - 09:11:50 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1633
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hooyo Meel Cidlo Ah Fool Ku Qabatay Oo Iska Umulisay

    "Hooyooyinka ayaan ka maqli jiray hooyada uurka leh mar weliba iney sakiin diyaar u ahaataa"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Hooyooyinka ayaan ka maqli jiray hooyada uurka leh mar weliba iney sakiin diyaar u ahaataa"



Dhacdadani ayaa ka dhacday magaalada Adaama ee dalka Itoobiya.


Gabadha ilmaha iska umulisay waxay sheegtay iney ka timid magaalada Chiro ee deegaanka Oromada ee dalkaasi Itoobiya.


"Aaabba iyo Hooyo midna ma lihi darbi jiif ayaan magaalada Adama ku ahay, waxaan halkan u imidna waxaan ahaa shaqa doon" ayey tiri Dayiba oo BBC u warrantay.


Dayiba waxay sheegtay inta ay shaqa raadis ku jirtay inuu haleelay jaceyl ay ku tashan oo ay u qaadday wiil ay si kedis ah isku barteen.


Muddo yar marki ay wiilka wada socdeenna ay jeceyl xaddhaaf ah u qaadday kaddibna ay wiilki la saaxibtay. Muddo yar kaddibna Dayiba waxay ogaatay iney uur leedahay.


Wiilkii dhalinyarada ahaa ee ay jeceylka u qadday wuxuu ahaa nin ay balwad dishootay wuxuuna marar badan uu u geysan jiray jirdil iyo dhibaata badan.


Dayiba waxay sheegtay marki ay ushiisa iyo dhibaatada ay kala kulanto u adkeysan weyday iyada oo uur leh inay wiilki ka soo carartay sidaana darbijiif ku noqotay.


"Noolasha darbijiifnimada waa mid aad u adag oo silic miiran ah marka aad dumar tahay oo aad ilma yar haysatidna uma sii jirto" ayey tiri Dayiba.


"Waxaa hoy ii ahaa bacyar oo aan ka dhisatay darbiga Isbitaalka halkaas ayaa guri ii ahaa oo aan ku hoyan jiray, maalintaan wax helana waan cunayey maalintaan waayana waa iska qadayey. Ilaa uu uurkeyga toddoba bilood ka gaarayey oo ilmaha yar aan ka umulayey halkaasaan ku noolaa" ayey tiri.


Fool lama filaan ah

Dayiba toddobada bilood oo ay ilmaha caloosha ku sidday hal marna dhakhtar ama goob caafimaad iney wax baaritaan ah u tagin ayey BBC u sheegtay.


Balse maalin maalmaha ka mid ah ayey foosha si lama filaan ah u qabatay, waxayna go'aansatay wixi ay ka maqli jirtay dumarka waaweyn xilliga ay hooyada dhaleyso waxa la sameeyo iney iyadu isku sameyso."


Xilliga ay foosha qabaneysay waxay ahayd xilli ay biyo soo dhaansaneysay oo ay ka fogeed bacdi hoyga u ahayd, cidna lama joogin oo keligeed ayey ahayd, cid isbitaal geysana meysan helin oo xanuunkii fooshana wuu ka tanbatay.


Marwelibana waxaa diyaar u ahayd oo ay sidan jirtay sakiin ay ilmaha markay iska umuliso ay xuddunta ugu jarto.


"Hooyooyinka ayaan ka maqli jiray hooyada uurka leh mar weliba iney sakiin diyaar u ahaataa sidaa darteed anigana waxaan mar hore sii diyaarsaday sakiin cusub" ayey tiri.


"Xanuunka marka uu iga tanbatay oo aan gaari waayey bacdi hoyga ii ahayd waxaan ku leexday meel gabbaad ah oo ay wiilal gawaarida dhaqa maalintii harsadaan balse markaasi ay cidna joogin".

Dadaal dheer kaddib waxay ku guuleysatay iney ilmaha iska umuliso iyada oo ay jirin cid caawisay.


"Xanuun iyo dhibaato badan kaddib marki aan umulay inta aan miir daboolmin sakiinti diyaarka ii ahayd oo aan sitay ayaan wiilka yar xuddunta ugu jaray dun aan shaatigayda ka soo siibayna waan ugu xiray shaati aan korka ka xirnaana wiilki yaraa ayaan ku duuduubay markaas ayaa miir iigu dambeysay oo waan miir daboolmay" ayey tiri.


Ku dhawaad saacad marki aan miir daboolnaa oo halki aan ku umulay aan aallo ayey dad aan I garaneyn I arkeen iina qaadeen isbitaal.


"Wixi markaas ka dambeeyey isbitaalka ayaa daryeel la iigu fidiyey, dad samafalayaal ahna lacag ayey ii uruuriyeen guri ayeyna ii kireeyeen oo aan hadda ku noolahay" ayey tiri Dayiba.


"Maalintaas wixi i soo maray markaan soo xusuusto waan jareeyaa, balse waxaan ku farxaa dhibki oo dhanna aan ku illaaway wiilka yar ee aan dhalay. Wixi hadda ka dambeeyana dhib kasta aan ku maree anaa korsanaya wiilkeyga, caafimaadkiisuna wuu wanaagsan yahay, markuu ilmaha yar uu ii xoogeysto ayaan shaqo billaabayaa" ayey tiri.


Magaalada Adaamaa ayaa lagu tiriyaa magaalooyinka dalka Itoobiya ee ay ku nool yihiin darbijiifka ugu badan.

 

BBC

Loading...
Loading...