Taiwan Oo Ka Hadashay Natiijada Uu Muuse Biixi Kala Soo Noqday Kenya

0
Thursday December 17, 2020 - 19:02:37 in News by
  • Visits: 2308
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Taiwan Oo Ka Hadashay Natiijada Uu Muuse Biixi Kala Soo Noqday Kenya

    Taiwan Oo Ka Hadashay Natiijada Uu Muuse Biixi Kala Soo Noqday Kenya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taiwan Oo Ka Hadashay Natiijada Uu Muuse Biixi Kala Soo Noqday Kenya

Hargeysa(HWN):-Dawladda Taiwan ayaa guul ku tilmaantay heshiiska Somaliland iyo Kenya ku kala saxeexdeen Magaalada Nairobi, ka dib markii uu Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi u tagay Safar qaatay saddex Maalmood.




Safiirka Dawladda Taiwan u fadhiya Somaliland Lou Chen-hwa oo hadal ka jeediyey Munaasibad Dawladdiisu kaga dhawaaqday Deeq Waxbarasho oo Ardayda Somaliland ku tagayaan Taiwan ayaa sheegay inuu Hambalyo u dirayo Somaliland oo uu sheegay inay guul ka gaadhay safarkii Madaxweynaha ee Kenya.


Lou Chen-hwa oo arrimahaa ka hadlaya ayaa yidhi "Waxaan doonayaa inaan Somaliland ku hambalyeeyo guusha weyn ee ay ka gaadhay Kenya, waxayna Calaamad u tahay guul kale oo ay wada gaadheen Somaliland iyo Kenya, kaasi oo daba socda heshiiska ay wada gaadheen Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Madaxweyne Uhurru Kenyatta.”


Loading...
Loading...