Xuquuqda Shacabka Somaliland Oo Muuse Biixi Iyo Kooxdiisa Heego Kala Saraysiisay Iyo Xildhibaan Ka Qayliyey

0
Thursday December 17, 2020 - 18:57:38 in News by
  • Visits: 2076
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Xuquuqda Shacabka Somaliland Oo Muuse Biixi Iyo Kooxdiisa Heego Kala Saraysiisay Iyo Xildhibaan Ka Qayliyey

    Xuquuqda Shacabka Somaliland Oo Muuse Biixi Iyo Kooxdiisa Heego Kala Saraysiisay Iyo Xildhibaan Ka Qayliyey

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xuquuqda Shacabka Somaliland Oo Muuse Biixi Iyo Kooxdiisa Heego Kala Saraysiisay Iyo Xildhibaan Ka Qayliyey

Hargeysa(HWN):-Xildhibaan Cali Maxamed Xaaji Huruuse oo ka mid ah MudaneyaashaGolaha Guurtida Somaliland, kana soo jeeda Gobolka Sanaag-bari ayaa ku taliyey in xuquuqda iyo xaqa umadda reer Somaliland la simo la iskuna dheeli-tiro, oo aan loo kala hiilin.

Faallo:-Tabashadda Shacabka Somaliland Armay Karkaarrada Jebisaa!


Xildhibaan Cali Maxamed Xaaji Huruuse waxa kale oo uu ka hadlay Safarka Madaxweyne Biixi ee Kenya, kaasi oo uu ku tilmaamay guul Somaliland u soo hoyotay.


Xildhibaanka oo arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi "Shacabka reer Somaliland waxaa loo baahan yahay mar walba in xaqooda iyo xuquuqdooda la simo, ILLAAHAY oo qudha ayaa laga helaa cadaaladda, balse danta Somaliland waxay ku jirtaa in xuquuqda iyo xaqa Shacabka la simo oo si isku dheeli-tiran wax loogu qabto oo aanloo kala hiilin, waliba waxaan soo jeedinayaa in wax loogu qabto siday u kala jilicsan yihiin..”


Mar uu ka hadlayey Diiwaangelinta ayuu yidhi "Diiwanagelinta waxaa jira Deegaano aan la gaadhsiin, in Deegaanadaas la gaadhsiiyo ayaa daruuriya, ta kale kaadhka dhalashada oo dadka wax badan kaga xidhan in isagana la bilaabo oo dadka la siiyo ayaan ku talinayaa, oo waliba Magaalada Hargeysa oo qudha ayaa laga bixiyaa ee dadka aan soo doonan karin,deeganada ay degan yihiin iyo gobolada ay ka soo jeedaan in loogu geeyo ayaan soo jeedinayaa”.

Mar uu ka hadlayey socdaalkii Madaxweynaha ee Kenya ayuu yidhi "Safarkii uu Madaweynuhu ku tagay Kenya, wuxuu inoo ahaa safar qiimo badan, xidhiidhka aynu yeelanay Kenya iyo qodobbada ay labada dal wada gaadheena waa qodobbo aad loogu baahnaa, waxaana leeyahay Madaxweyne guul baad inoo soo hoysay..”


Loading...
Loading...