Muuse Biixi Oo Socdaal Tamashlayn Ah ku soo Maray Goobaha Diwaangelinta Hargeysa Iyo Guddidii Beelaha Arab Oo Afka Xidhay Markay La Kulmeen+Sawiro

0
Thursday December 17, 2020 - 15:37:59 in News by
  • Visits: 2661
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Muuse Biixi Oo Socdaal Tamashlayn Ah ku soo Maray Goobaha Diwaangelinta Hargeysa Iyo Guddidii Beelaha Arab Oo Afka Xidhay Markay La Kulmeen+Sawiro

    Muuse Biixi Oo Socdaal Tamashlayn Ah ku soo Maray Goobaha Diwaangelinta Hargeysa Iyo Guddidii Beelaha Arab Oo Afka Xidhay Markay La Kulmeen+Sawiro

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muuse Biixi Oo Socdaal Tamashlayn Ah ku soo Maray Goobaha Diwaangelinta Hargeysa Iyo Guddidii Beelaha Arab Oo Afka Xidhay Markay La Kulmeen+Sawiro

Hogaamiyaha somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa socdaal tamashle u muuqda ku tagay qaar ka mid ah goobaha diwaangelinta codbixiyeyaasha oo ka socota magaalada Hargeysa.

Muuse Biixi oo ay wehelinayaan xubno ka mid ah guulwadayaasha xukuumadiisa iyo xisbiga Kulmiye ayaa socdaalkiisa ka bilaabay goobaha diwaangelinta degmooyinka Axmed Dhagax iyo 31-ka May oo ay ka jiraan cabasho badani, balse xubno ka mid ah guddida horumarinta Afgarad ee beelaha Arab oo uu qaarkoodna magacaabay ayaa ka aamusay soo gudbinta cabashada ka taagan deegaanadooda ka dib markii ay Muuse Biixi kula kulmeen dugsiga Faadumo Biixi ee magaalada Hargeysa oo ka mid ah meelaha diwaangelintu ka socoto balse cidhiidhiga badani ka taagan yahay maadaama oo dad badani rabaan inay iska diwaangeliyaan.


gudoomiyaha Afgarab Maxamed Warsame oo uu xil waraabe u taag ah u magacaabay Muuse Biixi iyo ku xigeenkiisa Siciid Daahir ayaa markii ay qaabileen Muuse Biixi ku guuldaraystay inay u gudbiyaan cabashada ka taagan deegaanadooda ee la xidhiidha goobaha diwaangelinta ee ku yar iyo nidaamka diwaangelinta oo xarumo badan ka taagan isla markaana aan shaqaynayn, taas badalkeedana waxay guulwadenimo u muujiyeen kornaylka.

Muuse Biixi iyo guulwadayaasha wehelinayey oo aan waxba ka odhan caqabadaha ka taagan goobaha diwaangelinta ee ka socota Hargeysa ayaa socod tamashlayn ah oo ay ku soo mareen goobo kala duwan ka dib waxay ku noqdeen madaxtooyada, iyada oo aanay jirin ujeedo ay Muuse iyo rakaabkiisu ka lahaayeen socdaalkooda marka laga tago tamashlayn iyo mija baxsi.


Image may contain: 4 people, people standing
Image may contain: 6 people
Image may contain: 7 people, people dancing, people standing and outdoor
Image may contain: 3 people, people standing, sky and outdoor
Image may contain: 5 people, people standing
Image may contain: 1 person, standing, hat and outdoor
Image may contain: 8 people, people standing
Image may contain: 5 people, people standing and outdoor
Image may contain: 6 people, people standing
Loading...
Loading...