Dawlada Masar Oo Saldhig Milatari Waydiisatay Soomaaliya Iyo Ujeedada Ka Dambaysa

0
Thursday December 17, 2020 - 14:42:08 in News by
  • Visits: 1409
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dawlada Masar Oo Saldhig Milatari Waydiisatay Soomaaliya Iyo Ujeedada Ka Dambaysa

    Dawlada Masar Oo Saldhig Milatari Waydiisatay Soomaaliya Iyo Ujeedada Ka Dambaysa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dawlada Masar Oo Saldhig Milatari Waydiisatay Soomaaliya Iyo Ujeedada Ka Dambaysa


Dowladda Masar ayaa dooneysa inay dib u hagaajiso xiriirka kala dhaxeeya dowladda federaalka Soomaaliya, si ay saldhig militari uga sameysato dalka, islamarkaana uga hortagto saameynta Turkiga ee Soomaaliya, waxaa sidaas weriyey wargeyskaAl-Monitor.

Masar oo DF Soomaaliya ka dalbatay saldhiga militari oo laga dhisayo Muqdisho


Wafdi ka socda dowladda Masar, oo uu hoggaaminayey kaaliyaha wasiirka arrimaha dibedda Masar ee arrimaha Afrika Sherif Issa ayaa 6-dii December soo gaaray Muqdisho, oo ay kula kulmeen wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya Maxamed Cabdirizaaq.


Mukhtar Ghobashy, oo ah ku-xigeenka madaxa Xarunta Carbeed ee Daraaasaadka Siyaasadda, ayaa wargeyskaAl-Monitoru sheegay in Masar ay aad uga walaacsan tahay saameynta iyo ku dhex-milanka Turkey ee Soomaaliya.


"Nasiib darro, sanadihii dhowaa, dalal Turkiga uu ka mid yahay ayaa awood u yeeshay inay ku dhex-milmaan Soomaaliya, ayaga oo siinaya gargaar, taasi oo u suurta-gelisay inay saldhig militari ka dhistaan Muqdisho, 2017-kii. Taas darteed, Masar waxaa qasab u ah inay hagaajiso xiriirkeeda Soomaaliya, si ay taas miisaan ugu hesho,” ayuu yiri Mukhtar Ghobashy.

Ghobashy ayaa sheegay in wafdiga Masar laga yaabo inay intii lagu guda jiray safarkooda Muqdisho ay kala hadleen dowladda federaalka in Qaahira ay saldhig militari ka sameysato Muqdisho.

Ma cadda waxa ay dowladda ka yeeli doonto arrintaas, hase yeeshee dalalka Turkey iyo Qatar oo saameyn xooggan ku leh dowladda federaalka ayaa la rumeysan yahay inaysan sinnaba u ogolaan doonin saldhig ay Masar ka sameysato Muqdisho.


 

Loading...
Loading...