Dib U Milicsiga Dhacdo Hore Oo Muujinaysa Kursi Jacaylka Madaxweyne Farmaajo

0
Thursday December 17, 2020 - 14:30:53 in News by
  • Visits: 1563
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dib U Milicsiga Dhacdo Hore Oo Muujinaysa Kursi Jacaylka Madaxweyne Farmaajo

    Dib U Milicsiga Dhacdo Hore Oo Muujinaysa Kursi Jacaylka Madaxweyne Farmaajo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dib U Milicsiga Dhacdo Hore Oo Muujinaysa Kursi Jacaylka Madaxweyne Farmaajo
Hargeysa(HWN):-xildhibaan Mahad Salaad oo ka mid ah golaha shacabka soomaaliya ayaa ka hadlay kursi jacaylka ka muuqda madaxweyne Farmaajo.
Image may contain: 1 person, sitting and indoor


xildhibaan Mahad Salaad ayaa soo bandhigay dhacdo hore oo muujinaysa kursi jacaylka soomaaliya taas oo ka dhacday mudadii uu madaxweyne Farmaajo ku nool wadanka Maraykanka.

xildhibaan Mahad Salaad oo  soo bandhigaya dhacdadaasi ayaa waxa uu yidhi "Maamul Jaaliyadda Soomaalidu ku lahayd magaalada Buffalo ee dalka Maraykanka ayaa sanadkii 2005 Gudoomiye u doortay Madaxweyne Farmaajo. Muddo xileedkiisu wuxuu ahaa 2 sano. August 2007 ayaa doorasho looga adkaaday Farmaajo, kaddibna wuxuu diiday in uu aqbalo natiijadii doorashada iyo in uu xilka wareejiyo isagoo marmarsiiyo ka dhigtay habraacii doorashada loo maray in uusan saxnayn. Sidaas ayaana maamulkii Jaaliyadda ku burburay.

Dhacdadaan la yaabka leh ayaa waxa iiga sheekeeyay mas’uuliyiin katirsanaa maamulkii burburay ee Jaaliyadda iyo dad kale oo goobjoog u ahaa dhacdadaan.

Haddaba, sidee nin Xil-Jaaliyadeed sidaas isugu dhejiyay doorasho xor iyo xalaal ah u qaban karaa, hadiise looga guuleysto doorashada si nabad ah xilka loogala wareegi karaa?

Wallee Soomaali mixnad iyadu lugaheeda ay ku goobatay ayaa luqunta iyo lugaha ugu maran! Allow amuuraha sahal. Aamiin.
Xildhibaan Mahad Salad

Loading...
Loading...