Ololaha Musharax Cabdikariin Axmed Mooge Iyo Waaqaca Dalka Yaalla

0
Thursday December 17, 2020 - 11:31:49 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1075
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ololaha Musharax Cabdikariin Axmed Mooge Iyo Waaqaca Dalka Yaalla

    W/Q: Cali Cabdi Coomay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Cali Cabdi Coomay

Shakhsiyan waan la dhacsanahay qaabka ololaha uu soo bandhigay Saaxiibkey Cabdikariin Axmed Mooge, oo runtii ah nin aan aad ugu hanweynahay. Wuxuu ka soo jeedaa qoys caan ah oo ku suntan halgankii dalka. Waxaan se waxoogaa ka taaban doonaa siduu Cabdikariin wax u doonayo iyo waaqicinnimada sidii la isku waafajin lahaa.



Siduu Musharaxu wax u doonayaa?

Muuqaal kooban oo uu kaga hadlayo musharaxnimadiisa oo uu soo dhigay baraha bulshada ayuu Cabdikariin ku sheegay in aanay gebi ahaanba xisaabta ugu jirin inuu olole ku galo laba arrimood oo wakhtigan waaqaca ka shaqaynaya. 1. In aanu reerkooda ka soo dhex ololeynayn, si beeshu ugu cumaamado inuu musharax u yahay. 2. In aanu lacag olole ku geleyn si uu dadka cododkooda u iibsado. Labadaa arrimood waxa ay ka horimanayaan waaqicinimadii dalka taallay, iyo duruufaha ku xeeran guud ahaan bulshooyinka reer Soomaalilaan xilli doorashada. Ogaalkey waa musharaxii ugu horreeyey ee ololihiisa meesha kaga saara waayihii dalka ka shaqeynayey ee soo bandhiga olole ku cusub nidaamka isugu sidkan ee qabiil iyo lacagi wada socdaan. Wuxuu jeexay dariiq aan hore loo tijaabin oo ama guulaysan kara ama fashilmi kara. Isaguna labada xisaabta wuu ku darsday malahayga.


Waaqaca Dalka Yaalla

Waxa la yidhi bulsho weliba siday tahay ayaa wax lagaga doonaa, sidaasi darteed musharax Cabdikariin wuxuu ka leexday waaqicii dalka yaallay ee bulshada Soomaalidu ay wax ku doortaan. Dadka diidan fikirka musharaxa waxa ay ku doodayaan inuu musharaxu u dhaqmayo sidii nin aan dalkaba la haysan oo qurbaha in badan ku raagay oo soo waariday nidaamka dalalka ka koray goboleysiga iyo laaluush ku bixinta doorashada. Wakhtiyadii uu wasiirka Maaliyada ahaa Maxamed Xaashi Cilmi ayey is-qabteen nin ka mid ah masuuliyiintii wasaaradda Maaliyadda. Markay saaxaafaddi weydiisay waxa khilaafka keenay, ayuu ku jawaabay” waa nin adduunyo kale la haysta, oo dalka aan waxba ka garanayn”.


Ogebey wuxuu maldahay waa qurbo joog aan waaqaca dalka la haysan. Sidaasi oo kale qof kasta oo aan ku shaqeyn hadba wixii dalka yaalla wuxuu waayayaa wixii uu rabay. Caqliga caadi ah ayaa diidaya in la taageero qof laaluush wax ku doonaya, hasayeeshee ugu yaraan waa doorasho xun oo meesha taalla. Nin musharax Baarlamaan ah oo aanu sheeko wadaag leenahay, ayaa dhawaan qabsaday xafladdii shaacinta inuu musharax yahay. Wuxuu ku jiraa musharaxiinta aan haysan lacagta farabadan ee ololaha lagu galo. Wuxuu ii sheegay xafladdiisii oo keliya waxa kharash ku baxay ee isaga jeebkiisa iyo wax uu dad ka soo qaatay. Wuxuu yidhi” lacagta warbaahinta oo kaliya ayaa noqontay $4000, halka kiradii hoolka, dadkii aan soo guray oo qof kasta la siinayey $70 ay isku geyn noqotay $11,000. Ninkaasi waxa u dhacday xaflad heer sare ah, hasayeeshee lacagta ayaa shaqeynaysay. Wuu se cabaaday culayska kharaska ka baxay dartii. Markaa maxaad u maleyn qof aan waxba haysan.


Haddiiba uu Guulaysto Musharaxu

Inuu guulaysto waan rajeynayaa, waayo waa nin si nadiif ah waxa u doonaya. Laakiin haddii uu guulaysto waa cusub ayaa u baryey reer Soomaalilaan, waayo wuxuu tijaabiyey damiirka inta ka xorowday goboleysi iyo lacag ku ololeyn. Mar labaad haddii uu u taramo Maayarnimada Hargaysa oo uu ku guulaysto waxa innoo baryey waa cusub oo kale, waayo wuxuu ku soo baxay inay codkooda siiyaan 24 xildhibaan gole deegaan isaga oo aan lacag laaluush ah bixin. Haddii uu guuldaraystana waxa inoo soo baxaya sida aanay dadku ugu bisleyn inay ka tagaan qabiil ku ololeyn iyo lacag bixin, oo aanay dhaweyn fikirka uu qaatay musharax Cabdikariin, laguna sii socon doono wixii hore u taallay dalka.


Cali Cabdi Coomay

Suxufi, qoraa ah.

Hargaysa, Soomaalilaan

[email protected]

 

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...