'' Caqabadaha Soo Baxay 4 Cisho''.

0
Wednesday December 16, 2020 - 16:57:59 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1084
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    '' Caqabadaha Soo Baxay 4 Cisho''.

    W/Q: Ahmed Nour Guruje

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Ahmed Nour Guruje

Hargaysi waa magaalo wayn oo ka midda Magaalooyinka ugu waawayn mandaqadda Geeeska Afrika , waxaanay ku jirtaa 5 Magaalo ee ugu balaadhan uguna dadka badan , qiyaasaha la sameeyayna waxay sheegayaan in ay ku nool yihiin dad ku dhaw 2 malyuun oo qof .



Sidaas oo ay tahay , Goobaha codaynta iyo Diiwaangelinta lagguma salaynin tiradda dadka magaaladda , balaadhka magaaladda iyo qiyaas kale midnaba , sababtoo ah , ilaa 2005 goobaha lagga codeeyo ama la iska diiwaan geliyo waxba laguma kordhin marka lagga reebo goobo yar oo aan ka badnayn 2 % , halka sanad walba magaaladdu korodhayso 17 %  , sidaa darteed korodhka magaalada iyo goobuhu ma wada socdaan .


Carqaladda labaad waxay tahay , magaaladda Hargaysa iyo Tuulooyinka yaryar ee boqolaalka qof iska diiwaangelinayaan in la siiyo maalmo isku mid ah , iyana laguma salaynin sabab macquula oo la qaadan karro , maxaa yeelay magaalo dadkeedu badan yahay hadana shaqaale iyo arday yahay , hadana goobuhu ku yaryihiin afar cisho waa ku cidhiidhi .


Carqaladda sadaxaad , farsamadda diiwaangelinta oo loo adeegsanayo Internet awoodiisu yartahay oo qofkiiba ku jirayo goobta muddo ku dhow 10 minute ugu yaraan , carqaladaas oo a baajisay in dad badani is diiwaangeliyaan .


Carqaladda afaraad waxay tahay , shaqaalaha oo aan lahayn tababar ku filan  , shaqadana ku badan tahay kuwaaso ku haftay shaqadii .


Intaas oo dhan oo jirta dadku wuu samrayaa , safafka ayaanu si asluuble u taagan yahay , Komishanka , Axsaabta iyo Xukuumada waxaa looga fadhiyaa in Caasimadda mudada loo kordhiyo oo ugu yaraan afar cisho oo kale laggu darro si dadku isu diiwaangeliyo  , hadii kale dad badan ayaa waayi doona xuquuqdooda codbixineed oo ah xaq lama taabtaana oo aan qofna looga qaadi karin si sharciga ka baxsan .

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...