Magac u bixi iskuulka Farsamada Gacanta ee dawladu Dhismihiisa Gabiley ka wado.

0
Wednesday December 16, 2020 - 09:38:56 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 883
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Magac u bixi iskuulka Farsamada Gacanta ee dawladu Dhismihiisa Gabiley ka wado.

    Aragtida Muxyadiin Yuusuf-Cade

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Aragtida Muxyadiin Yuusuf-Cade

Magacyada Iskuulada waxbarashada dawliga ah ee Gabiley ku yaala midna magaalada looguma magac darin. Iskuulka Farsamada Gacantuna waa in uu la xeer noqdaa kuwii ka horeeyey.



1- Jaamacada magaceedu waa Timacade waxayna ku taalaa magaalada gudaheeda.


2. Dugsiga sare waa Qalax Secondary waxaana loogu magac daray deegaanka dhismuhu ku yaal oo Qalax ah.


3. Dugsiyada hoos/dhexe waxa la kala yidhaahdaa sheekh Muxumed Warsame iyo New Gabiley dhismayaashooduna waxay ku yaaliin magaalada gudaheeda. Waxa soo raaca Tusbaxle oo isaguna la magac ah goobta uu ka dhisan yahay.


4. Iskuulka farsamada Gacanta oo dhismihiisu socdo waxa loo bixiyey #Gabiley technical Institute waxanu dhismuhu ku yaalaa deegaanka #Jameecada.


Magac bixintaasi dugsiga farsamada waxa uu sax ku ahaa Jameeco Technical Institute si aan loo dulmiyin magaca kaarteegaa/xaafada uu ku yaalo. Waxa iyaduna qodob ah in qofka maamul ka noqonayaa ku yimaado tartan imtixaan oo waliba mudo la xayeysiiyo si dhalinyarta Jaamacada dhamaysatay codsiyadooda u soo xaraystaan. Hadii la magacaabayana waa in la tixgaliyaa oo ahmiyada kowaad yeeshaan axbaabta reer Jameecadu iyada oo loo eegayo xaqul-jaarka.

 

Aragtida Muxyadiin Yuusuf-Cade

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...