Ashkatadan Farmajow, Igad Waa Agteene, Gaadhsii Adeerka. Aakhiro Ka Soo Saar.
BISMILAAHI ALRAXMAAN ALRAXIIM [A.S.C.W.R.W.B],
TU KHAAS AHNA BAHDA H/W IYO AKHRISTAYAASHEEDA.
1-ASHKATADAN FARMAJOW,IGAD WAA AGTEENE,
MAAD U DIRI ADEERKAA,AKHIRO KA SOO SAAR,
USHEEGANA UHURA,SOMALILAN AQOONSADAY,
URURSHE MUCAARIDKI,KUGU DHIBAY ADUUNKI.
2-AFWERGI IYO ABBIYE,ORDUGAANNA GAADHSII,
ARINKI XUMAYO, AYAAN DHAW BAAD QAXAYSA,
AFAR QAADKA ORODKI,ADEERKA HALKU MARAY,
ALBAABKII LAGU FURAY,AMBABAXO XIDHXIDHO.
3-ILINKII WAAD TAQAANO,MALA KA ANBANMAYSIDE,
URURSUUN ALAABADA,INTAY GOORI GOOR TAHAY.
NAIROBINA ADKAATOO,ADUUN BAY ISKA OODAYE,
ADIS ABABA MOOYAANE,IRIDIHI DHAMAAN XIDHAN.
4-EHEL HORA AHAYDEENE,AXMED MADOOBE BARIYO,
INA ADEER DHEH MAANTAN,UNKA KUGU JECELAYE,
INKASTOON EEDO KUGU FALAY,ISKA XAAL ADUUNYE,
OGOLAANSHO II SII ILAAMAAYO GEDO UUN.
ISMAIL ABDILLAHI HANDULEH.AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!