Sir Ka Fakatay Gudidda Qandaraas-yadda ( Abdi-shotaly).
Khudbadii ay askariga u soo walwalaa-qeen, kuwa naxli ku noolka ahi, ee Meesha uu ku urursaday, ee uu golaha sare ka akhriyey, waxa ku jirey in gudidda uu yidhi waxa ay bixiyaan qandaraas-yadda, ay intuu meehs doobta ka ridaayey ay dad siiyeen 1800 oo qandaraas. hadaba yaa la siiyey weeye Su'aashu? jawaabtii waa tane iga hooya iyadda oo aan biyo is marin:-
(a) Wiilka uu dhalay " Raggii ma adigaa ka hadhay" ee la yidhaaho Maxamed Muuse Cabdi, waxa la siiyey " Qandaraaska Ciidamadda " Qandaraas-kaas oo ka kooban dhamaan agabka ay xidhaan ama qaataan marxalad walba oo kolkaas jirta, haday tahay, dharka dagaalka, koofiya-daha, kabaha iyo derijoojinka ka duwan min alifle ilaa ka uGu sareeya. oo la soo sameeyo ( waa xidigaha iyo calaamadaha lagu tolo'e), hubka iyo noocyadiisa loo baahan yahay, meel kaste oo laga helo-ba, taas oo ku kacaaya $550 Milyaan oo doolarka maraykanka ah, lacag-taas oo ay bixisay Dawladda dhulkii loo iibiyey ee Imaaraadka Carabtu. waxa ka mid ah lacaga-haas $ 80 milyan ee la isku riix-riixaayey, ee marna ladafiraayey, marna la sheegaayey.
(b) Askariga Inan-kiisa weyn, ee wax ka baran jirey dalka shiinaha iyo Maxamuud beenaale ( waa ka aad tidhaahaan Maxamuud Xaashiye), Iyana waxa la siiyey " Qandaraas ah " in ay keenaan Wershadda Saliidda Safaysa magaaladda Berbera, oo ay ka dambayso Maamulka Imaaraadku, kaas oo isna ku kacaaya lacag dhan $ 840 milyan oo doolar, taas oo ay ku sababeeyeen, nadiifinta qashinak ka soo baxaya safaynta ( oo been ah), dhisidda wershadda qaybta qashinka ururinta, iyo soo daadinta, Mushahaaradda shaqaalaha nadiifinta arimaha qasinka, keensta baabuurta ku haboon in lagu guro iyo wax yaabo kaloo badan, oo aan halkan lagus oo koobi Karin.
( c) Intaaba marka aad soo dhaafto. ma la socotaa, in isaga iyo Geenyo Shaaximani ay Hudheel weyn ka dhisanayaan Badda Berbera ee la ydihaaho " Batalaale" kaas oo dhismihiisa la bilaabi doono sanadka cusub 2020-ga.
(d) Ma og-tahay, in Safiirka uu askarigu u magacaabay Imaaraadku, uu yahay wiil ay xaaska weyn ee " Raggii ma adigaa ka hadhay" ay Eedo u tahay? oo sababta loo geeyey halkaas ay tahay, inlagu xil qarsado, oo aan waxa ka soo gelaaya Imaaraadka aan cid kale ogaan. waxan ku soo xidhay akhristaw, arimo badan oo kale baan ku daba jiraa, oo aan sood higi doono, markay ku haboon tahay ee aan soo dhamays tiro.
* N.BHays Odhanin Cidi Kuma Arkaysee, Aqala Jeexo!
Qore:- Abdi-shotaly
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!