Hay'adda Al-Huda Oo Deeq Bustayaal Ah Gaadhsiisay Xarumaha Agoomaha Iyo Darbi Jiifka Ee Magaalada Hargeysa+Sawiro

Tuesday March 05, 2019 - 15:37:44 in News by
  • Visits: 1790
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hay'adda Al-Huda Oo Deeq Bustayaal Ah Gaadhsiisay Xarumaha Agoomaha Iyo Darbi Jiifka Ee Magaalada Hargeysa+Sawiro

    Hay'adda Al-Huda Oo Deeq Bustayaal Ah Gaadhsiisay Xarumaha Agoomaha Iyo Darbi Jiifka Ee Magaalada Hargeysa+Sawiro

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hay'adda Al-Huda Oo Deeq Bustayaal Ah Gaadhsiisay Xarumaha Agoomaha Iyo Darbi Jiifka Ee Magaalada Hargeysa+Sawiro

Hargeysa(HWN):-Hay’adda Al-Huda ayaa deeq bustayaal ah gaadhsiisay xarunta dhaqan celinta iyo daryeelka caruurta darbi jiifka ah ee Maxamed Mooge iyo xarunta agoomaha ee magaalada Hargeysa.












Hay’adda Al-Huda ayaa bustayaal gaadhaya 170 xabo gaadhsiisay xarunta dhaqan celinta iyo darbijiifka ee Maxamed Mooge iyo halka ay xarunta agoomahana gaadhsiisaybustayaal dhan 250 xabo.

Wasiirka shaqo gelinta iyo arimaha bulshada Marwo Hinda Jaamac Gaani iyo agaasimaha mashaariicda ee hay’adda Al-Huda Axmed Ibraahin oo goob joog ka ahaa deeqda bustayaasha ah ee la gaadhsiiyey xarunta dhaqan celinta iyo daryeelka caruurta darbi jiifka ah ee Maxamed Mooge ayaa ka waramay muhiimada ay leedahay in taageero loo fidiyo caruurtaasi.







Agaasimaha mashaariicda ee hay’adda Al-Huda Axmed Ibraahim oo ka hadlay deeqdan bustayaasha ah ee ay ku wareejiyeen xarunta darbi jiifka ee Maxamed Mooge ayaa waxa uu yidhi "Waxaanu deeq horaanteed ku qaybinaynaa xarunta dhaqan celinta ee Maxamed Mooge oo ay wasaarada shaqo gelintu gacanta ku hayso, waxaanay deeqdani qayb ka tahay deeq bustayaal ah oo gaadhaya 550 oo aanu ku qaybin doono goobo ay xaruntani ka mid tahay.”

Sidoo kale wasiirka shaqo gelinta iyo arimaha bulshada Marwo Hinda Jaamac Gaani ayaa dhankeeda ka mahad celisay deeqdan ay hay’addu soo gaadhsiisay iyada oo xustay in wada shaqayn fiicani ka dhaxayso waxaanay tidhi "Waxaan ka gudoomayaa deeqdan bustayaasha ah ee 170 nafar ah maamulka iyo masuuliyiinta hay’adda AL-Huda oo fadhigeedu yahay Hargeysa, waxaanan ka mahad celinayaa wada shaqaynta iyo taageerada aad marwalba la garab joogtaan wasaarada iyada oo deeqdan oo kaliya aanay ahayn ee ay ka mid tahay caruuraha agoomaha ee aad haysaan oo ka mid ah shaqada wasaarada waanan idiinka mahad celinayaa”







Sidoo kale agaasimaha mashaariicda ee hay’adda AL-Huda Axmed Ibraahim Caydiid ayaa faah faahin ka bixiyey bustayaal gaadhaya 250 oo ay gaadhsiiyeen xarunta agoomaha ee magaalada Hargeysa waxaanu yidhi "Hay’adda AL-Huda waxay soo gaadhsiisay xarunta agoomaha bustayaal dhan 250 oo ka mid ah bustayaasha aanu qaybinaynay, waxyaabaha qofka daruuriga u ahna waxa ka mid ah cuntada, cabitaanka, hoyga iyo huga, markaa hay’addu waxay garatay inay kaga qayb gasho taakulaynta xaruntan deeqdaas bustayaasha ah iyada oo aanay ahayn markii koowaad ee aanu taakulo soo gaadhsiino balse marar badan oo hore ayaanu taakulo la garab istaagnay maantana jidkii hore ayuunbay maraysaa.”

Sidoo kale agaasime ku xigeenka xarunta agoomaha ee magaalada Hargeysa Saxardiid Muxumed Jaamac oo ka hadlay deeqda bustayaasha ah ee ay hay’adda Al-Huda soo gaadhsiiso waxaanu yidhi "Hay’adda Al-Huda waxay xaruntan agoomaha ugu deeqday bustayaal dhan 250, mana aha deeqdii koowaad ee ay xaruntan ku caawiyaan balse marar badan ayey soo taageereen, caruurta halkan ku jirtana bulshada iyo qaranka ayaa ka masuul ah, waana la dareemi karayaa baahida uu leeyahay ilma yar oo aan hooyo iyo aabo toona lahayn.”

Loading...
Loading...