Yaa Sharciyeeyay In Muwaadiniin Dhididkooga La Dilaalo, Ma wax hore ujiraybaa mise waa wax inagu cusub?

0
Sunday April 28, 2019 - 12:14:29 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1224
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Yaa Sharciyeeyay In Muwaadiniin Dhididkooga La Dilaalo, Ma wax hore ujiraybaa mise waa wax inagu cusub?

    Shaqaalaha inta shaqaysana xaqooda dada gaar ah oo magacyo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shaqaalaha inta shaqaysana xaqooda dada gaar ah oo magacyo ula baxay sida HIJRA LOGISTIC AND PROCURMENT ayaa cuna dhalinyarada shalay hadashay ee ka cawday shaqa la’aantana aad ayaan usoo dhawaynayaa.


Reer Berbera Waxaan waydiinayaa cida iska leh HIJRA LOGISTIC AND PROCURMENT oo ah dilaaliin ku dhex jira shaqaalaha muwaadiniinta ah iyo shirkada janabiga sida SHIFA AL HAHDA oo shaqo wanaagsan inoo haysa, dadka reer Somaliland ay uhayaan ixtiraambadan iyo abaalba.



Sidoo waxaa iswaydiin muwadan sharciga Somaliland muxuu ka qabaa in muwaadin la dilaalo wixii uu shaqaystay inagoo og in muwaadinku uu dalkiisa uu ku leeyahay abaal badan .


Dalalka caalamka hadii qofka ajanabiga ahi uu qore qof muwaadin ah shaqo waxaa la siiyaa abaal marin, inaguna waxaynu maraynaa in la dilaalo muwaadiniintii shaqaysanaysay oo mushaharkoodii uu nin dilaal ahi iska qaato.


Waa in wasaarada shaqada iyo arimaha Bulshada Somaliland ay si deg deg ah arinkaasi uga hawlgashaa laa hubiyaa cidi siisa ogolaanshaha ay haystaan ee ay qof muwaadin ah ku dilaalayaan sida HIJRA LOGISTIC AND PROCURMENT iyo kuwa kalee lamidka ah.


Maxamed Cali Cabdilaahi

Sanka95105gmail.com

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...