Maxkamadda Dastuuriga ee Austria Oo Burisay Xeer Muslimiinta Takoorayey

0
Sunday December 13, 2020 - 08:34:12 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1025
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxkamadda Dastuuriga ee Austria Oo Burisay Xeer Muslimiinta Takoorayey

    "in loo damaanad qaado muwaadiniinta in ay helaan fursado siman"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"in loo damaanad qaado muwaadiniinta in ay helaan fursado siman"

Maxkamadda dastuuriga ah ee Austria ayaa burisay xeer caruurta dugsiyada hoose dhigata ka mamnuucayey in ay madaxa ku xidhaan dhar muujinaya astaan diineed oo gaar ah.



Waxaanay maxkamaddu sheegtay in xeerkani toos u beegsanayo xijaabka, xad gudubna ku yahay xuquuqda xorriyada diinta.


Xeerkan waxa la soo saaray markii ay dalka taladiisa haysay xukuumaddii wadaagga ahayd ee hore oo ay isbahaysi ku ahaayeen xisbiga Shacabka ee muxaafidka ah iyo xisbiga Xorriyadda ee midigta fog ee xag jirka ah.


Waxay maxkamaddu sheegtay in xeerkani keenayo in la takooro hablaha Muslimiinta ah.

Sidoo kale waxay maxkamaddu ganafka ku dhufatay oo diiday doodda ah in xeerkaasi ka ilaalinayo hablaha Muslimiinta ah culays bulsho iyo in ay ardayda ay wax wada dhigtaa takooraan, waxaanay sheegtay in xeerkaasi dad aan eed lahayn ciqaabayo.


Waxay sheegtay hadii arintaasi lagama maarmaan noqoto, waxa waajib ka saaran yahay dawladda in ay dejiso xeerar ka hor tagaya in qofka lagu takooro jinsigigiisa ama diintiisa.


Xeerkan oo dhaqan galay sannadkii hore ayaan si toos ah u qeexin inuu mamnuucayo xijaabka laakiin wuxuu mamnuucay in la xidho "dhar muujinaya astaan diineed oo ay ka mid yihiin in madaxa la qariyo" oo loo geliyo caruurta toban jirka ka yar.


Xukuumaddii waagaasi waxay sheegtay in waxyaabaha madaxa lagu xidho ee ay xidhaan caruurta lab ee Siingasiingaha iyo Yuhuuddu aanu xeerkaasi saamaynayn.


Waxay se maxkamaddu sheegtay in xeerkaasi toos u beegsanayey xijaabka Muslimiinta.


Ururka "Jamaacat Al-Qaciidat Al-Islaamiyah" ee Austria oo metela Muslimiinta dalkaas oo marka horeba dacwadda u gudbiyey maxkamadda ayaa soo dhaweeyey xukunkaas.


Waxaanu warbixin ururku soo saaray ku yidhi "in loo damaanad qaado muwaadiniinta in ay helaan fursado siman oo ay ku go'aamiyaan hablaha iyo haweenka bulshooyinku masiirkooda laguma gaadhayo xeerkan."


Markii xeerkan la soo saaray sannadkii 2018 ayaa ra'isal wasaaraha Austria, Sebastian Kurtz, waxa uu sheegay in ujeedadu tahay in "laga hortago xagjirnimo ka hana qaadda Austria".


Ra'isal wasaare ku xigeenka oo ka tirsan xisbiga Xorriyadda ayaa isna sheegay in xukuumaddu doonayso in ay hablaha yaryar ka ilaaliso Islaamka siyaasiga ah.


BBC

Loading...
Loading...