Muxuu Yahay Saldhigga Ciidamada Badda Ee Laga Sameeyay Sudan?

0
Sunday December 13, 2020 - 08:21:41 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1391
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muxuu Yahay Saldhigga Ciidamada Badda Ee Laga Sameeyay Sudan?

    "Sidoo kale waxa saldhiggaa markii keli ah ba ku soo xidhan karan afar markab. "

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Sidoo kale waxa saldhiggaa markii keli ah ba ku soo xidhan karan afar markab. "

Waxa lagu baahiyey faafinta rasmiga ah ee Ruushka maalintii Salaasadii ee 9 Diisember, qoraalka heshii ay gaadheen Ruushka iyo Sudan oo ku saabsan saldhig milatari oo ciidamada badda ee Ruushku ka samaysanaan xeebta badda Cas, kaas oo u jeedadiisu tahay "adkaynt nabadda iyo nabadgelyada gobolka" laakiin aanay ahayn in lagu beegsado dhinacyo kale sida lagu sheegay hor dhaca heshiiskaas.



Sudan waxay heshiiskaa ku heli doontaa hub iyo saanad milatari oo Ruushku siin doono.

Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, ayaa saxeexay heshiiskaa 16 bishii Noofember ee ore.


Waa maxay qodobada heshiisku?

Heshiisku wuxuu dhigayaa in saldhig milatari ay ciidamada badda Ruushku ka samaystaan Sudan, saldhigaas oo ay ku soo xidhan karaan maraakiibta dagaalka ee ku shaqeeya tamarta nukliyeerka.

Saldhiggaa cusub ee lagu wado in laga dhiso meel u dhaw dekadda Port Sudan, ayey ka hawl gali doonaan ilaa 300 oo qof oo milatari iyo rayid iskugu jira.


Sidoo kale waxa saldhiggaa markii keli ah ba ku soo xidhan karan afar markab.

Saldhiggan waxaa loo adeegsan doonaa hawlaha dayactirka iyo in ay maraakiibku ka qaataan shidaalka iyo agabka kale ee ay u baahan yihiin iyo sidoo kale in ay ku nastaan ciidamada badda ee Ruushku.


Xukuumadda Sudan ayaa dhulka laga dhisayo saldhigga ku bixinaysa bilaash, waxaanay Moscow xaq u yeelan doontaa in ay keento saldhigaas hubka iyo saanadda nooc kasta oo ay doonto ee saldhiggaasi u baahan yahay oo ay ka soo dejin doonto madaarada iyo dekadaha Sudan.


Mudada heshiisku waa 25 sanadood oo ay suurtogal tahay in lagu dari karo sannado kale oo dheeraad ah hadii labada dhinac ku heshiisyaan.


Sidoo kale xukuumadda Sudan waxa loo ogolaan doonaa in ay saldhiggaa la isticmaasho Ruushka.


Muhiimaddiisu waa maxay?

Ruushku wuxuu saldhig kan oo kale ah ku lahaa dekadda Darduus ee Suuriya, ka hor intii aan Moscow ruqsad buuxda u helin in ay saldhig dhamaystiran oo ciidmada cirka ah ku yeelato dalkaa laba sano ka hor.


Sidoo kale Mocow waxay saldhig milatari oo weyn ka dhisatay meel u dhaw dekadda Darduus iyo sidoo kale in ay ku rakibtay sawaariikhda difaaca cirka ee S400 goobtaas, kuwaas oo duullaanada cirka ka ilaalin dona labada saldhig.


Ruusku wuxuu dedaal ugu jiraa in uu xoojiyo saamaynta uu ku leeyahay qaaradda Afrika taas oo ah meel laga helo khayraad badan oo dabiici ah sidoo kalena suuq weyn u ah hubka Ruushka.


Ruushka oo keliya maaha cidda dedaalkaa ku jirtaa. Dhawaan ayaa dhawr dawladood oo ujeedadaas oo kale lehi ay talaabooyin noocaas ah qaadeen waxaana ka mid Turkiga, Shiinaha iyo Faransiiska.

Maraykanka, Shiinaha iyo Faransiiska ayaa saldhigyo milatari ku leh dawladda Djibouti ee kulaalaysa marinta Baab Al-Mandeb.


Wakaaladda wararka ee Taas ee dawladda Ruushka ayaa sheegtay in saldhiggaa cusubi u fududayn doono ciidamada badda Ruushka ee ku sugan badweynta Hindiya hawlo badan, waxaana u sahlanaan doonta ciiamada badda Ruushka in ay halkaa ku kala bedelaan shaqaalaha maraakiibta sidoo kalena lagu dayactiri doono maraakiibtooda joogta badweynta Hindiya oo diyaarado lagu geyn doono Sudan.


Sida ay sheegtay wakaaladdu waxa sidoo kale Ruushka u suurto geli doonta inuu sawaariikhda difaaca cirka ku rakibo goobtaas si uu uga ilaaliyo in diyaarado shisheeyo dul maraan saldhiggaas.


Kulan uu madaxweynihii hore ee talada laga tuuray ee Cumar Al-Bashiir la yeeshay dhiggiisa Ruushka sannadkii 2017 ayuu Bashir ku tilmaamay Sudan in ay tahay "furaha Ruushka ee Afrika" isaga ayaana soo jeediyey firkadda in saldhig milatari Ruushku ka samaysto.


Warar door ah ayaa markii dambe tibaaxay in shirkado Ruushk ahi ay ka bilaabeen Sudan soo saarista dahabka iyo sidoo kale in ay qaar ka mid ah askarta shirkadda nabadgelyada Ruushka ee gaarka loo leeyahay ee la yidhaa "Vanger" ee la talisa ciidamada nabadgelyada Sudan ay ka qayb galeen ka hortagga mudaharaadadii lagaga soo horjeeday xukunka Al-Bashiir dabayaaqadii sannadkii 2018.


Masuuliyiin Ruush ah ayaa xaqiijiyey in ay askar Ruush ahi joogaan Sudan laakiin waxay beeniyeen in ay ka qayb qaateen ka hortagga mudaharaadada lidka ku ahaa Al-Bashiir.


Waxa kale oo xusid mudan in Midowgii Soofiyeeti saldhigyo milatari ku lahaa Soomaaliya iyo Itoobiya.

 

BBC

Loading...
Loading...