Safarka Kornayl Muuse Biixi Ku Tagayo Wadanka Kenya Ma Sababi Doonaa In Jaadka Miirooga La Keeno Somaliland?

0
Saturday December 12, 2020 - 18:51:17 in News by
  • Visits: 2440
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Safarka Kornayl Muuse Biixi Ku Tagayo Wadanka Kenya Ma Sababi Doonaa In Jaadka Miirooga La Keeno Somaliland?

    Safarka Kornayl Muuse Biixi Ku Tagayo Wadanka Kenya Ma Sababi Doonaa In Jaadka Miirooga La Keeno Somaliland?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Safarka Kornayl Muuse Biixi Ku Tagayo Wadanka Kenya Ma Sababi Doonaa In Jaadka Miirooga La Keeno Somaliland?

Hargeysa(HWN):-Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi iyo Wefti uu hoggaaminayo ayaa la sheegay inay Toddobaadkan socdaal ku tagi doonaan Caasimadda dalka Kenya ee Nairobi.

Xukuumada Muuse Biixi oo weli ka war-waregaysa fulinta qodobadii guddiga | Caasimada Online


Ma jiro War Rasmiya oo Madaxtooyada Somaliland ka soo saartay arrintan, balse ilo-wareedyo muhiim ah ayaaWargeyska Geeska Afrikau sheegay in Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi uu Toddobaadkan gudihiisa safar ugu baxayo dalka Kenya.


Warka ayaa intaa ku daraya in Madaxweynaha Somaliland uu halkaa kula kulmi doono Madaxda Dawladda Kenya oo uu ka mid yahay Madaxweyne Uhuru Kenyatta.


Lama uga waxyaabaha labada Madaxweyne ka wada-hadli doonaan, balse Safarka Madaxweynaha Somaliland ku tagi doono Kenya ayaa ku soo beegmaya laba Toddobaad uun ka dib, markii khilaaf diblumaasiyadeed soo kala dhex galay Dawladda Soomaaliya iyo Dawladda Kenya.


Dawladda Soomaaliya oo cabasho ka qabta in Kenya faro-gelin ku hayso Arrimaha gudaha Soomaaliya ayaa u yeedhatay Safiirkii u fadhiyey Nairobi, halka ay ka caydhisay Safiirkii Kenya u joogay Caasimadda Muqdisho.


Somaliland iyo Kenya ayaa leh xidhiidh, waxaana Somaliland xafiis ku leedahay Magaalada Nairobi, halka Kenya dhowr jeer ballan-qaaday inay Xafiis ka furanayso Somaliland, balse illaa hadda taasi ka hirgelin.


safarka Muuse Biixi ku tagayo wadanka Kenya ayaa lala xidhiidhinayaa mid ay aad u danaynayso dawlada Nairobi, iyada oo qorshe u dhigtay sidii ay somaliland u noqon lahayd suuq ay ganacsatadoodu u dhoofiyaan jaadka Miirooga oo ay soomaaliya xayirtay.


natiijada ugu weyn ee laga filan inay ka soo baxdo safarka uu Muuse Biixi ku tagayo wadanka Kenya ayaa noqon doonta in jaadka Miiroogu ku soo biiro kuwii hore u iman jiray somaliland ee dhibaatada dhaqaale ku hayey.



Loading...
Loading...