Golaha Guurtida Somaliland Oo Dood Adag Ka Yeeshay Ajandaha Kalfadhigoodda

0
Saturday December 12, 2020 - 18:29:52 in News by A. Asbaro
  • Visits: 660
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Golaha Guurtida Somaliland Oo Dood Adag Ka Yeeshay Ajandaha Kalfadhigoodda

    Hargeisa(HWN):-Xildhibaannada Golaha Guurtidda Somaliland ayaa Dood adag ka yeeshay Ajandaha

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeisa(HWN):-Xildhibaannada Golaha Guurtidda Somaliland ayaa Dood adag ka yeeshay Ajandaha

Hargeisa(HWN):-Xildhibaannada Golaha Guurtidda Somaliland ayaa Dood adag ka yeeshay Ajandaha kalfadhigoodda, waxaanna ka mid ahaa Qoddobada ay sida wayn doodda uga yeesheen arrimaha Waxbarashadda, Caafimaadka, Biyaha iyo Garsoorka.


Fadhigan oo uu Shirguddoominnaayay Guddoomiyaha golaha Guurtidda Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan.
Video:-Golaha Guurtida Somaliland Oo fasax lagaliyay – Idil News

Xildhibaannada waxay sheegeen inaanu Ardayda reer Somaliland aqoon balaadhan u lahayn dalkiisa, waxaannay sheegeen in taasi ay ugu wacan tahay Manhajka Waxbarashadda Somaliland oo aan xidhiidh la lahayn deegaankeenna, isla markaanna ay jirto faham badan oo ka dhimman Ardayda ku jirta Dugsiyadda Somaliland.

Waxa kale, oo ay sheegeen Xildhibaannadu in Waxbarashadda Somaliland ay qaali tahay, iyagoo tusaale u soo qaatay Madaraddaha lagu barto Qur'aanka in Ardayda laga qaaddo Lacag dhan Boqol kun oo Shillinka Somaliland ah, isla markaanna ay Waxbarashaddii kalenna ka sii qaalisan tahay, taasoo ay soo jeeddiyeen in wax laga qabto oo hoos loo dhigo si ay shacabka danyarta ahi u awooddaan Waxbarashadda Ubadkoodda.

Xildhibaannada golaha Guurtidda Somaliland waxa kale oo ay dood ka yeesheen Garsoorka oo ay tilmaameen inaanay fullinin Dacwaddaha ku jira Maxkamaddaha dalka ee soo maray heerarka kala duwan, kuwaasoo ay sheegeen inay sababi karraan rabshad iyo Amni-darro, waxaannay soo jeeddiyeen in Maxkamadduhu ay fulliyaan Dacwaddaha hor yaalla ee heerarkii kala duwannaana soo maray.

Loading...
Loading...