Saarka, Culimada Fuulay, Ma Fanto Cusubaa! Qalinkii: Ahmed Ali Kaahin.

0
Sunday April 28, 2019 - 11:33:12 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1198
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Saarka, Culimada Fuulay, Ma Fanto Cusubaa! Qalinkii: Ahmed Ali Kaahin.

    Marka hore qaabka wax loo naqdiyo, waa in la dhawraa milgaha iyo sharafta,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Marka hore qaabka wax loo naqdiyo, waa in la dhawraa milgaha iyo sharafta, lana ilaaliyaa adeegsiga agab culan oo caafimaad qaba, ahna, sixid iyo dhisid, dumin ka dheer , asluub iyo ilbaxnimo leh, oo aan dhaliil tabana la miisan.


Ta llabaad marka cid, farta eedaynta lagu fiiqayo, dalad guudna lawada huwan yahay, sheekh iyo shariif, waa in loo kala haadiyaa, haadin cadaaladeed, isha iyo baalkana laga tumay. Waayo qofkastaa waxa uu leeyahay astaamo ugaara,



Marka saddexaad waa in waxa kasta oo qofku daliishado u hayaa (facts and figures) (xaqiiqooyin cadcad) oo meel loogu soo hagaago, qof kastoo gadh ama khamiis xidhanan, balwadna lahayni, culimada ka mid maaha, haddii u wax kharibo, ma culimoo dhan baa wax kharibtay, mise mid qaabkooda leh.


Sheekh baa la waydiiyay, culimow maxaa idin waalay? waxa uu yidhi waxa na waalay,(nin, marka uu caamada la joogo, aan caamada ku tirino, marka uu culimada la joogana aad culimada ku tirisaaan,) waa halkaa, halka sartu ka qudhuntay.

Qofku in uu shaqaystaa, oo uu ganacsadaa isagoo waddaadi, hadda waa ceeb dhawaan soo baxday, in dawaro, iyo qaraamaad ku noolaadaa loo bartay. in uu nolosha qayb ka noqdaa, fajac bay ku riday, dadka warbaahintu duufsatay, oo hilmaasan in , Ina Cawf, Ina Cafaan, Abu Bakar, Khadiija, Rabbi (swt) raali ha ka ahaadee, Islaamka wax badan soo taray, saxaabo quraanka lagu amaanay, oo ganacsato ah bay ahaayeen.


waxaan xasuustay sheeko macalinkii taariikhda ee Madar, Rabbow u naxariiso, nooga sheekeeyay dugsigii sare. dhacdo dhexmartay nin reer banu israaiila, iyo mid kamida dadkii dilay Xuseen ina Cali Rabi(swt)labadoodaba raali ha ka ahaadee, mawaxaad disheen wiilkii uu Nabigiinu(scw) dhalay, ee carab oo dhan sharafta u yeelay? Aniga waxaa awawgii 52 iigu began nabi hebel, walina waa la igu ixtiraamaa, iska daa cid kale boqorada Ingiriiska in iyadoo gacanteedu aanay maro saarnayn, in aad salaantaa waa xushmad darro halkii u hoosaysay. Markaa culimadeena in aan ixtrimaamnaa waa dhaqan suuban iyo dareen diin jeclaan, ay ku ladhantahay iyo tarbiyad rooxaaniya, oo ah dareen qalbiga hoose kasoo butaacaya. In mid sheekhiisii madaxa ku sitaa, kaaga kuu bahalo galiyaa, miyaanay badawnimo iyo gumaysi ahayn, shaydaankuna sheekh tosan buu ugu neceb yahay, waxaanu ugu jecel yahay mid wuxuu dhambashay ku caabudaya Rabbi swc.


Sida uu Sheekh Mustafe Xaaji Sheegay dalka Masar oo ah, waddanka kaliya ee aan wali caddaw shisheeye qabsan, waxa lagu kala daadiyay markii macalinka diinta la liiday, ee dugsigii Dhanlop la furay


Dunida waddan walba waxa jira arrimo lama taabtaan oo udub dhexaada,kalana ah mabaad’i iyo masaalix, sida reer galbeedku dimuqraadiyadau ilaashadaan, dunidana ku sanduleeyaan, sidaa si lamida ayaa umadan iyo waddan kanina leeyahay, mabaadi dastuurka lagu xardhay, kuna hilan laabaha bulshada. Sida qodobka 1aad, ee dastuurku dhigayo, Diinta kowa, ku darsoo diintu maaha wax meel fadhiya, ee cida ka shaqaysiinaysa waa culimada rabbaaniyiinta ah, ee Allaah (scwr) suurat Al cimraan ku xusay, in lagu dhoog bartaana waa ilbaxnimo iyo indheer garad la’aan.


haddaanad ahayn mideeya ha noqon kala geeye bulsho, in aad dabka gaaska kusii qabataa waxay noqonaysaa uun shaqo kale oo madhalaysa, ta kale haddaa 10 xaboo rasaasa oo aad haysto 9 ku rido culimadaada, xabadna ku ridiwaydo caddawga la isla yaqaan, xageed wax u waddaa waranle cabaysanaw, oo cid cabaysay garanla.


dadka hadda ku mashquulsan oo qaar kamidi, aanay waligood irbad, dun ugalin diin, iyo aduunyo dalka, haddimo mooyaane, bal waxa culimadu qabatay waa cadceedaasi idinku bal keena waxqabadkiinii, oo aan ahayn ku mamida hilibkooda? waxaan dareemayaa in ay jiraa dadbadan oo diin jecel dhaliishana uga danleh farasku oradka ha badiyo, balse yaanay inagu soo dhex dhuuman dad ajandayaal kale wata

Abwaan Gaariye.


Mana laha nin dooroo Dabcas lagama bixiyee

Dayaxii usoo baxa Ku dartalada waligaa

Daamur baa la mariyaa Docaa idin mideeyee

Fikirka xortee hufan, iyo afka furani waa fure, Balse waxaa jira qaabab wax loo saxo, oo toosan. waxaanan qabaa in ay jiraa dhaliilo ka hooseeyo kuwa la sheegayo, odhaahdiina waxay ahayd (haddii aad gole, qof ugu nasteexayso waa fadeexad) [email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...