Kulan Ay Wada Yeesheen Raysal Wasaaraha Somaliya Iyo Madaxda Puntland Oo Natiijo La'aan Ku Dhamaaday.

0
Saturday December 12, 2020 - 16:52:13 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1118
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kulan Ay Wada Yeesheen Raysal Wasaaraha Somaliya Iyo Madaxda Puntland Oo Natiijo La'aan Ku Dhamaaday.

    "Rooble ayaa sidoo kale lagu soo waramaya in uu ka biyo diiday in Ajendaha"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Rooble ayaa sidoo kale lagu soo waramaya in uu ka biyo diiday in Ajendaha"

Muqdisho (HWN) Ilo lagu kalsoonaan karo oo ku sugan Puntland ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in kulamadii maanta dhexmaray Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo Madaxweynaha Puntland ay kusoo dhamaadeen natiijo la’aan.

 

Kulamadan ayaa  sidoo kale waxaa gobjoog ka ahaa  Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga caalamiga ah ee dowladda FS Mudane Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud iyo Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan (Karaash).

 

Kulamada ayaa fashilmay ka dib markii la isku afgaranwaayay Ajendaha kulanka oo madaxweynaha Puntland uu soo jeediyay in laga wadahadlo qodobadii kasoo baxay heshiiskii maamulada iyo Madaxweyne Farmaajo sababta loo fulin waayay.

 

Ra’isulwasaare Rooble ayaa ka dalbaday Puntland iney soo dhameystirto Gudiga Doorashooyinka Kadibna Dowladu Gogol dhigeyso wada Hadal ah ,Halka Madaxweynaha Puntladn Siciid Cabdulaahi Deni uu ku adkeysanayo in Marka hore Dowladu dhigto gogol.

 

Rooble ayaa sidoo kale lagu soo  waramaya in uu ka biyo diiday in Ajendaha lagu daro Ciidanka dowladda Soomaaliya ay geystay gobolka Gedo taa badalkeeda uu kala hadli doono maamulka Jubbaland.

 

 


Loading...
Loading...