Gargaarkii Ugu Horreeyay Oo Gaadhay Caasimadda Gobolka Tigray

0
Saturday December 12, 2020 - 16:27:32 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 927
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gargaarkii Ugu Horreeyay Oo Gaadhay Caasimadda Gobolka Tigray

    "Kolonyada gargaarka sidday oo ka koobneyd 7 gaadiidka xamuulka ah ee gaaray magaalada Mekelle"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Kolonyada gargaarka sidday oo ka koobneyd 7 gaadiidka xamuulka ah ee gaaray magaalada Mekelle"

Markii ugu horreysay tan iyo intii uu bilowday dagaalka gobolka Tigray bishii hore, ayaa waxaa gaadhay caasimadda gobolkaasi shinaxddii gargaar ee ugu horeysay ee ka socota hay’ad aan dowli aheyn, iyagoo geeyay agab si weyn loogu baahi qabo sida dawooyinka, sidaasina waxaa Sabtida maanta ah sheegtay Laanqayrta Cas ee caalamiga ah.

 

Dowladdu waxa ay xaddiday gelitaanka gobolka kadib markii ay ciidamadeeda iyo xoogagga gobolkaasi uu dagaal ka dhex qarxay 4-tii November. Colaadda ka taagan waddanka labaad ee ugu dadka badan qaaradda Afrika ayaa la rumeysan yahay in ay ku dhinteen kumanaan qof ayna ku barakaceen ku dhowaad 950,000.

 

Qaramada Midoobay iyo hay’adaha kale ayaan awoodin in ay gargaar gaarsiiyaan gobolka, inkastoo dowladdu ay sheegtay in ay u dirtay shixnado isugu jira raashin iyo agabyo kale.

 

Kolonyada gargaarka sidday oo ka koobneyd 7 gaadiidka xamuulka ah ee gaaray magaalada Mekelle ayaa waxaa si wadajir ah u soo agaasimay Guddiga Caalamiga ee Laanqeyrta Cas (ICRC) iyo Laanqeyrta Cas ee Ethiopia, sida ay sheegtay ICRC.

 

ICRC ayaa sheegtay in xarumaha caafimaadka ee magaalada Mekelle ay curyaameen ka dib markii dawooyinkii iyo qalabka kale ee caafimaadka sida galoofisyada qalliinka ay ka dhamaadeen.

 

Isbitaalka Ayder, oo ah isbitaalka ugu weyn gobolka, ayaa lagu qasbay in uu xiro qaybtiisa daryeelka degdegga ah iyo saalada qalliinka sababo la xiriira yaraanta daawooyinka.

 

"Dhakhaatiirta iyo kalkaaliyayaashu waxa ay… toddobaadyo ku shaqeynayeen iyagoo aan helin saad cusub, biyo, iyo koronto la'aan,” ayuu yiri Patrick Youssef oo ah agaasimaha ICRC ee Afrika. "Shixnadan caafimaad waxa ay siin doontaa keyd cusub, waxayna caawin doontaa bukaannada,” ayuu yiri.

 

Dawladdu waxa ay sheegaysaa in ay dagaal ku jebisay xoogagga daacadda u ah maamulkii hore ee gobolka ka talin jiray ee TPLF, waxayna heshiis la gashay Qaramada Midoobay si loogu oggolaado in gargaarku gaaro gobolka Tigray.

 

VOA


Loading...
Loading...