Xukuumadda Muuse Biixi Oo Guuldarrooyin Is-daba Jooga kala Kulmaysa Dawladda Soomaaliya

0
Saturday December 12, 2020 - 15:23:47 in News by A. Asbaro
  • Visits: 2204
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Xukuumadda Muuse Biixi Oo Guuldarrooyin Is-daba Jooga kala Kulmaysa Dawladda Soomaaliya

    Xukuumadda Muuse Biixi Oo Guuldarrooyin Is-daba Jooga kala Kulmaysa Dawladda Soomaaliya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xukuumadda Muuse Biixi Oo Guuldarrooyin Is-daba Jooga kala Kulmaysa Dawladda Soomaaliya

Hargeisa(HWN):-Xukuumadda uu hoggaamiyo Muuse Biixi Cabdi ayaa ku guuldaraysatay inay la timaaddo siyaasadda uu la ciyaarraayo Madaxweynaha dawladda faderaalka Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo, iyaddoo uu Muuse Biixi talaabaddii ay Soomaaliya qaaddaba kaga jawaab celinnaayo qaylo iyo cabbaad, taasoo yaab ku noqotay bulshadda reer Somaliland.
Somaliland: Madaxweyne Muuse Biixi Oo Ku Dhawaaqay Saddex Sanduuq Oo Horumarinta Dhallinyarada Ah – Goobjoog News


Muuse Biixi Cabdi oo Warbahinta ka sheega in dalkiisu uu yahay dal Xor ah oo madax-bannaan, isla markaanna aan qayb ka ahayn Soomaaliya koonfurreed, haddana waxa la ogyahay innuu door ka qaaddanaayo xullista Xildhibaannada gobollada Waqooyi, gaar ahaan kuwa ka soo jeedda Beelaha Isaaq oo sida la wada ogyahay ay isku maan-dhaafeen Ra'iisul wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Mahdi Khadar Guuleed iyo Guddoomiyaha Aqalka sarre Cabdi Xaashi, taasoo shaki ku abuuraysa kalsoonida ay shacabka Somaliland ku qabi karraan hoggaaminta Muuse Biixi. Waxaan sheegayaa dal madax-bannaan oo xor ah, haddana hawlaha ka socda Soomaaliya ayaan door ka qaadanayaa waa laba aan is qaban, haddii ay dhab kaa tahay oo aad tahay dal xor ah maxaa ku dhex-geliyay Siyaasadda Muqdisho ka socota? Jawaabtaas waxa looga baahan yahay innuu Shacabkiisa ka qanciyo Hoggaamiyaha faashilka ah Muuse Biixi Cabdi.

Saddexdii sano ee la soo dhaafay oo uu taladda u sarraysa gacanta ku hayay Muuse Biixi siyaasadda gudaha iyo siyaasadda arrimaha dibadda labaddaba waxa uu ku guuldaraystay innuu wax ku soo kordhiyo, waxaannu saddexdaas sannadood uu safar u baxay saddex jeer oo kaliya, waxaannu booqasho ku tagay Dalalka Imaaraadka, Ethiopia iyo Djibouti.

Si kastaba ha ahaatee waxa muuqata inaanay Somaliland mahadin Muuse Biixi Cabdi mudadii uu talka dalka uu hayay, waxaannu ka tagi doonnaa isagoo aan haba-yarraatee Somaliland-tii uu shanta sano maamullaayay waxba ku soo kordhin.

Loading...
Loading...