Wasiirka Biyaha Oo Burco Gelelefay Iyo Aniga Oo Dhakhtarka Weyn Soo Xuuraamey.

0
Saturday December 12, 2020 - 09:54:46 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1075
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Biyaha Oo Burco Gelelefay Iyo Aniga Oo Dhakhtarka Weyn Soo Xuuraamey.

    W/Q: Bashiir Tarabbi Google

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Bashiir Tarabbi Google
Wasiirka Biyaha oo ah masuul qabweyn, hadal cad, iskuuladii hore ee siyaasaddana wax ku bartay, xil weyna iska saara hanuuninta dadweynaha iyo sidii muxaafid loogu noqon lahaa xukuumadda Madaxweyne Biixi, ayaa isaga oo farta ruxaya soo galay degmada Burco oo uu u yare cadhaysnaa.



Markiiba wuxuu u yeedhay ganacsatada Ceelasha gaarka ah leh, kuwaas oo qayb ka ah biyo gelinta Burco ee wakaaladda biyuhu keligeed dabooli kari weydey. Wuxuu dadweynaha hortooda ku amray in ay kala baxaan biyaha degmada wixii ay ku lahaayeen, wuxuuna maalintii xigtey sheegay in Wakaaladdu ilaalisay shaqadii iyo hantidii dadka reer Burco, wuxuu halkaa ku guddoonsiiyey abaal marino madaxda Wakaaladda Biyaha ee Burco.


Markii uu naga tegey wasiirku, waxaa bilaabantay in biyuhu diniiqaan, maalintii ku xigteyna waxaa bilaabmay go'itaankii biyaha. Waxaanu leenahay Wasiir, Caasimmadda in biyo loo doono ayay balanta xukuumaddaadu ahayde, waxaad samaysayba, sidii hore noogu celi.


Maalintii Talaadada waxaan soo booqday dhakhtarka weyn ee Burco, ma laha xafiis xogeed ( information desk ) in kasta oo ay adag tahay in aad aragto howl wadeeno caafimaad oo ishaadu qabato, xiligaan ku beegmay oo abbaaro 1dii duhurnimo ahaa, haddana waxay indhahaygu ka soo boodeen, fekerkayguna ku dheeraaday waadhka haweenku ku umulaan, waxaa daadsanaa sariiro dushood dumar badan oo ay ku dul sheekaysanayaan bilistii ugu timid in ay usoo gargaaraan, si ay walbahaarka uga yareeyaan bukaan jiifka, waxa aan ku daalay oo fekerkayga aan meel cidla ah isla taagey sida aan dumarka foosha ah loo dhowrin sharaftooda.


Waxaa go'yaal inta ay laba dumar ahi dhinacyada qabtaan ay ku qarinayaan hadba haweeneyda foolata, waxaanse u filayaa haweenka qaar in ay dhalaan iyadoo rag iyo dumarba la dhex socdo waadhka oo aanay jirin maro yar oo ay ku gabadaan, waa kuwa aan cidi la socon ama aan kusoo tala gelin in suuqa lagaga umulinayo. Tolow miyaa loo waayey ilin xidhyo ay gooni ugu asturaan oo kala qaybiya iyo hab lagu maamulo cidda waadhka geli karta iyo kuwa kale?.


Waxaan rajaynayaa in dhaqankeena wanaagsan wax laga barto oo haweenkeena la xushmeeyo, waadhadhka cusub ee dhawaan xadhiga laga jari doonaana ay kuwii hore ka maamul iyo xushmad badnaadaan.


Waxaan u mahad naqayaa Jananka Bilayska, mudane Daba gale iyo intii wax ku darsatay, oo wax weyn ka qabtay joogsiyada waddada dheer ee isku xidha gobolada bari iyo Caasimadda. Mahadsanid Taliye.

Bashiir Tarabbi Google,
Burco, Soomaalilaan. 
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...