Garsoorku Waa Tiirka Asaaska U Ah Dawladnimada

0
Saturday December 12, 2020 - 09:50:08 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1345
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Garsoorku Waa Tiirka Asaaska U Ah Dawladnimada

    W/Q:- Abubakar Muse Yasin.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q:- Abubakar Muse Yasin.

"MAXAA WAX LOOGA QABAN LA’ YAHAY?”

 

Helidda Garsoor ku dhisan caddaalad loo wada siman yahay, islamarkaana dhawra xuquuqda muwaadinka, goob walba iyo goor kasta oo la joogo oo ka yagleesha  Somaliland, waa Baahida asaasiga ah ee ugu weyn oo ay qabaan shacbiga loogana fadhiyo madaxwaynaha inuu sameeyo garsoor hufan, sidaa darteed Wadan aan lahayn hanaan hufan oo garsoor cadaaladeed jirin ma gaadhi karo xasilooni, horumar iyo nabad waarta, cadaalad darrada ka jirta dalkeena waa sababta keentay burburka iyo is aamin la’aanta aafaysay Dhamaan adeegyadii Bulshada, gaar ahaan caqabada garsoorka.

 

In badan oo ka tirsan Madaxda Dalka ayaa mar waliba ku soo celceliya in ay Xooga Saari doonaan Garsoorka Dalka, hase yeeshee haatan arrintaas ma muuqato oo waxaad moodaa in ay masuuliyiintii ay hilmaameen wax ka qabashada Garsoorka dalka oo maraysa maanta meeshii ugu xumeyd, maxaa yeelay guud ahaan Dawladaha soo maray dalka oo ay ku jirto tan maanta, midna waxba kama qaban caddaalad darrada ka jirta garsoorka, taasina waxay ina dhaxalsiisay maanta in caddaalad darrada ka jirta garsoorka somaliland ay cirka isku shareerto kana sii darto.

 

Golaha barlamaanka somaliland ayaa ka mashquulay gabi ahaanba shaqadiii loo igmaday, 

Waxana aad moodaa in ay hareer mareen sidii dhidibada loogu taagi lahaa Garsoor ay umadda Soomaaliland aamini karto,

waxaa laga filanaayay Baarlamaanka somaliland oo  ka kooban labada aqal ay ugu horeynba wax ka qabtaan Garsoorka dalka, hase yeeshee taas badel keedu waxay ku mashquuleen qabyaalad iyo in shacabka xumaan lakala dhexdhigo oo aan waxba soo kordhineyn.

 

Waxaa hubaal ah marka la rabo in guri la dhiso ugu horeynba ay muhiim tahay in marka hore laga bilaabo seeska sidaas oo kale garsoorka waa aasaaska dib u yagleelidda  dawladnimo, haddii laga tago dhisidda garsoor hufan oo caddaaladeed waa guri aan sees lahayn ama dawladnimo aan garsoor lahayn, sidaas darteed Baarlaamnka Soomaaliland oo wakiil ka ah Shacabka waxaan u soo jeedinaynaa in ay sida ugu dhakhsaha badan wax uga qabtaan garsoorka, iskana daayaan arrimaha kale ee ay ku mashquuleen oo aan ka turjumayn danta shacabka, si loo helo dhameystirka tirarka dawladnimo oo wax ku ool ah oo  shacabka somaliland gaadhsiiya dawlad caddaaladeed oo ku dhisan sharci.

 

Waxaa Xaqiiqo ah in uu ku fashilmay gudoomiyaha maxkamadda sare aadan xaaji cali oo ka gaabiyay shaqadii lo igmaday kana gaabiyay shaqadii garsoorka oo uu masuulka ka ahaa.

Maalmahan waxa soo ifbaxayay cadaalad darrada ka jirta maxkamada sare ee  somalliland taas oo dil toogasho ah ku fulisay dad aan waxba galabsan  oo dil loo xukumay.

Waxaana garsoorki dalka gacanta ku haya waa madaxwaynaha somaliland oo sharcigiii dalka ku tumanaya sida uu rabana ka yeelaaya,

waxaad arkeysaa dacwado Dhowr jeer la  Xukumey, Dad si xaqdaro ah Sannado lagu Xukumey iyo kuwa la iska sii daayay oo aan la marin Baadhitaan rasmi ah sidaas darteed,

 

Madaxwayne Shacabka Soomaaliland waxay kuugu baaqayaan inaadan wax marmarsiiyo ah kaaga bannaaneyn, oo aad uga qaban wayday, Cadaalad darrada baahsan ee ka jirta garsoorka Dalka, mise waxaad rabtaa in aad  Raacdo Dariiqii ay raaceen Madaxdii kaa horeysey, kuwaa oo ku fashilmey in ay wax ka qabtaan garsoorka Dalka sidaa darteed haddii aadan Madaxweyne  deg deg wax uga qaban waxa ka taagan Garsoorka, waxaa hubaal ah Shacabkii shaley ku doortey ay kalsoonidii kaala laabanayaan, Kaana aamin baxayaan.

Shacabku waxay u ooman yihiin garsoor hufan oo caadil ah.

 

Madaxwayne waxaan kuu soo jeedinayaa in aad hakiso Xukunada ay  qaadaan Garsoorayaasha  dalka?

 

dadka maanta ka shaqeeya waa dad aqoontoodu aad u hooseyso, oo aan garaneyn habka baadhitaanka kiisaska, ama dambiyada Dalka ka dhaca sidoo kale waxaan  u soo jeedinayaa Madaxweynaha  iyo Madaxda kale ee dalka in ay deg deg wax uga qabtaan Cadaalad darrada ka jirta haayadaha Garsoorka dalka.

 

Madaxwayne  waxaan ku leeyahay  "Waa dumay Garsoorkii iyo dalkii oo dhan,

dalku waxa uu u baahan yahay in la soo dhiso oo la nooleeyo, laguna soo celiyo garsoor Daacad ah  iyo garsoore munaasab u ah aqoontii dadnimadii garsoornimo iyo hufnaantii oo xalaal miirad ah ayaa loo baahanyahay”.

Waxa  kale oo aan usoo jeedinayaa Madaxweynaha iyo Labada Aqal ee baarlamaanka  in muhiimadda la siiyo hirgalinta nidaam cadaaladeed oo waafaqsan diinta Islaamka,  sida uu qeexayo Dastuurka uuna ka dhaqan galo dalka oo idil si loo joojiyo Gabood falada iyo sidoo kale caddaalad darrada hadhaysay  Ummadda Soomaliland.

 

GUNAANAD

Ugu dambeyn awoodaha Tiirarka Dawladnimo ee  Somaliland, ma dhammeystirna, waxaana ka maqan tiirka aasaasiga u ah dawladnimada, taasoo ah Awoodda Seddexaad ee Garsoorka, waayo si dawladnimo loo helo waa iney wada taagnaadaan tiirarka seddexdaa awoodood ee Dawladnimada, gaar ahaan Golayaasha sharci dejinta, Golaha Fulinta iyo Golaha Adeegga Garsoorka.

 

W/Q:- abubakar muse yasin.

Email: [email protected]


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...